​Wasaaradda Amniga Gudaha Somalia oo ka hadashay qarax ka dhacay Muqdishu

Image

MUQDISHU, Somalia- Afhayeenka Wasaarada Amniga Gudaha Somalia Cabdikaamil Maclin Shukri, ayaa sheegay in 4 qof ay ku dhimatay, 7 kalena ay ku dhaawacmeen Qarax loo adeegsaday Gaari oo Xalay ka dhacay magaalada Muqdishu.

Gaari lagu soo xiray walxaha qarxa oo lala damacsanaa Kolonyo ciidamada dowladda Somalia, ayaa ku qarxay meel ku dhaw halka loo yaqaano Daljirka Dahsoon, ee degmada Boondheere.

Cabdikaamil, ayaa tilmaamay in ciidamada markii ay ka shakiyeen Gaari oo xowli ku socdey ay ku rideen Xabad, kadibna sidaasi uu ugu qarxay goob ay ku sugnaayeen dad shacab ah.

Dadka ku dhintay Qaraxa ayaa dhamaantooda waxay ahaayeen saddex Shicib ah iyo Ninka watay Gaariga miinada lagu soo xiray, sida uu xaqiijiyay Afhayeenka Wasaarada Amniga Somalia.

Al Shabaab ayaa sheegtay Mas'uuliyada weerarkaas.

Amniga Muqdishu ayaa u muuqda inuu faraha ka baxaya, sidoo kalena uu fashilmay balanqaadkii dowladda uu waqtigeedu dhammaaday ee ahaa inay sugayso Ammaanka Caasimadda xilliga Doorashada.

GAROWEONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh: Israa’iil amar la'aantay cagta masoo dhigi karta Soomaaliya

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ugu dambeyn ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay ilaashadaan midnimada iyo wadajirka.

  • Soomaliya

    04-07-2026

  • 01:15PM

Xamza: Dowladda Federaalka ma joojin doonto ciidamada ay qoranayso Puntland

Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu sidoo kale ku eedeeyay Madaxweynaha dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni.

  • Soomaliya

    04-07-2026

  • 12:13PM