Wasaaradda amniga Soomaaliya oo ka hadashay qabsashada Xarunta Baarlamaanka

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasaaradda Amniga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo Taliska Booliska, ayaa ka hadlay la wareegista la sheegay in Ciidamo cusub ay la wareegeen Xarunta Gollaha Shacabka.

Shir Jaraa'id oo caawa ay ku qabateen Muqdisho Wasiiru dowlaha Wasaaradda Amniga Xasan Maclin iyo Taliyaha Booliska Jeneraal Bashiir Cabdi ayay ku beeniyeen in lala wareegay dhisamaha Baarlamaanka.

Waxay sheegeen in Ciidamo horeleh oo ka socda kuwa Birmidka ay geeyeen Xarunta Gollaha Shacabka, kuwaasi oo lagu xoojiyay amaanka Goobta, iyadoo amarkaasina uu kasoo baxay Wasaaradda Amniga.

Xasan Maclin ayaa tilmaamay in aysan waxba ka jirin wararka sheegaya in Ciidamo laga soo amray Xafiiska Ra'iisul Wasaaraha ay qabsadeen Xarunta ay ku shiraan Xildhibaanada Gollaha Shacabka.

Jeneraal Bashiir Cabdi, Taliyaha Booliska ayaa isna sheegay in iyagoo eegaya xaaladda jirta ay go'aansadeen inay Ciidamo dheeraad ah ku kordhiyaan kuwii horey u ilaalinayay Xarunta Baarlamaanka.

Wuxuu xusay Taliyaha in Booliska uu yahay mid dhex-dhexaad ah oo aan cid gaar ah u adeegin, sidaasi darteedna ay la wareegeen Mas'uuliyadda amaanka Xarunta Baarlamaanka maadaama uu khilaaf jiro.

Hadalka Mas'uuliyiinta ayaa yimid saacado kadib markii uu Gudoomiyaha Gollaha Shacabka uu Shir Jaraa'id ku qabtay caawa Xafiiskiisa, kaasi oo uu ku sheegay in Ciidamo uu soo amray Ra'iisul Wasaaraha la wareegeen Xarunta Baarlamaanka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ruto: Mudo-xileedka Madaxweynaha iyo Baarlamanka Soomaaliya wuu dhammaaday

Madaxweyne Ruto ayaa markii u horreysay si furan uga hadlay dagaal dhowaan ka dhacay meel u dhow xuduudka Kenya.

  • Soomaliya

    14-05-2026

  • 09:06AM

Wada-hadalladii Xalane oo lagu kala kacay iyo Khilaaf hor leh oo ka dhashay Doorashada

Golaha Mustaqbalka ee mucaaradka ayaa ilaa hadda si cad u diiday soo-jeedinta guddiyada farsamada.

  • Soomaliya

    13-05-2026

  • 12:30PM