Wasaaradda amniga Soomaaliya oo ka hadashay qabsashada Xarunta Baarlamaanka

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasaaradda Amniga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo Taliska Booliska, ayaa ka hadlay la wareegista la sheegay in Ciidamo cusub ay la wareegeen Xarunta Gollaha Shacabka.

Shir Jaraa'id oo caawa ay ku qabateen Muqdisho Wasiiru dowlaha Wasaaradda Amniga Xasan Maclin iyo Taliyaha Booliska Jeneraal Bashiir Cabdi ayay ku beeniyeen in lala wareegay dhisamaha Baarlamaanka.

Waxay sheegeen in Ciidamo horeleh oo ka socda kuwa Birmidka ay geeyeen Xarunta Gollaha Shacabka, kuwaasi oo lagu xoojiyay amaanka Goobta, iyadoo amarkaasina uu kasoo baxay Wasaaradda Amniga.

Xasan Maclin ayaa tilmaamay in aysan waxba ka jirin wararka sheegaya in Ciidamo laga soo amray Xafiiska Ra'iisul Wasaaraha ay qabsadeen Xarunta ay ku shiraan Xildhibaanada Gollaha Shacabka.

Jeneraal Bashiir Cabdi, Taliyaha Booliska ayaa isna sheegay in iyagoo eegaya xaaladda jirta ay go'aansadeen inay Ciidamo dheeraad ah ku kordhiyaan kuwii horey u ilaalinayay Xarunta Baarlamaanka.

Wuxuu xusay Taliyaha in Booliska uu yahay mid dhex-dhexaad ah oo aan cid gaar ah u adeegin, sidaasi darteedna ay la wareegeen Mas'uuliyadda amaanka Xarunta Baarlamaanka maadaama uu khilaaf jiro.

Hadalka Mas'uuliyiinta ayaa yimid saacado kadib markii uu Gudoomiyaha Gollaha Shacabka uu Shir Jaraa'id ku qabtay caawa Xafiiskiisa, kaasi oo uu ku sheegay in Ciidamo uu soo amray Ra'iisul Wasaaraha la wareegeen Xarunta Baarlamaanka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo baajiyey safar uu ku tegi lahaa Ruushka xilli uu isa soo tarayo Cadaadiska Uganda

Hase yeeshee, Madaxweyne Museveni ayaa la sheegay inuu diiday codsigaas, isagoo sabab uga dhigay caqabado dhaqaale.

  • Soomaliya

    28-10-2026

  • 05:28AM

Ciidamada Midowga Afrika oo la filayo inay Banneeyaan Saddex Aag oo ku yaalla Shabeellaha Hoose

Hase yeeshee, dowladda federaalka ayaa hore u muujisay walaac ku saabsan awoodda ciidamada dalka ee ay hadda haystaan.

  • Soomaliya

    27-10-2026

  • 09:10AM