​Wasaaradda Caafimaadka Somalia oo ballan-qaad u samaysay dhawacyada qaraxii SYL

Image

MUQDISHU, Somalia- Waxaa magaalada Muqdishu caasumadda Somalia ka socda qorshe loogu gurmanayo dadkii ku waxyeelloobay qaraxyadii ka dhacay shalay hotel SYL, waxaana iminka lala tacaalayaa dadkii ku dhaawacmay qaraxii loo adeegsaday baabuurka.

Wasaaradda Caafimaadka Somalia ayaa ballan qaaday inay wax u qaban doonto dadka xaaladoodu liidato, waxayna mahad celin u jeedisay dhaqaatiirtii isku howlay sidii ay bulshada ugu shaqayn lahaayeen gaar ahaan xilliyada dhibaatadu dhacdo.

Wasiirka wasaaradda caafimaadka xukuumadda Somalia Maxamed Xaaji Cabdinuur (Madeer), ayaa warbaahinta u sheegay in dadka qaba dhaawacyada culus loo qaadi doono dalka dibadiisa in kastoo uusan sheegin halka la gayn doono.

Madeer ayaa xusay in wasaaraddu dadaal u gali doonto qof kasta oo dhibaato kasoo gaarto qaraxyada ay waddaan mallayshiyaadka Al Shabaab isagoo bulshada ugu baaqay in la taakuleeyo kooda dhibaataysan.

Xaaladda bukaanadda ku waxyeelloobay qaraxaasi ayaa kasoo kabanaya halka kuwa kale arrintooda caafimaad aad u liidato.

Waxaa xusid mudan in dhowr jeer oo hore dowladda Somalia ballan qaad u samaysay dad ku dhaawacmay qaraxyo ka dhacay magaalada Muqdishu kuwaasoo ilaa hadda aysan waxba ka hirgalin.

GAROWEONLINE

Related Articles

Beesha Caalamka oo diiday doorasho hal dhinac ah oo ka dhacda Soomaaliya

Kulankan oo dhacay maalintii Isniinta ayaa waxaa fool-ka-fool uga qeyb galay qaar ka mid ah siyaasiyiinta ugu saameynta badan mucaaradka.

  • Soomaliya

    19-05-2026

  • 09:04AM

Villa Somalia oo billowday ololaha oorashadda Gudoomiyaha cusub ee Gollaha Shacabka

Qaar kamid ah siyaasiyiinta damacsan xilalka cusub ayaa sidoo kale wajahaya caqabado gudaha beelahooda ah.

  • Soomaliya

    19-05-2026

  • 05:37AM