Wasiir da' yar oo ku dhintay Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Alle ha unaxriistee waxaa xalay magaaladda caasimadda ah ee Muqdisho ku geeryooday Wasiir ku xigeenkii Wasaaradda Ganacsiga ee maamulka Hirshabeelle Saciid Xaashi Tooxow.

War-saxaafadeed kasoo baxay xafiiska Madaxweynaha HirShabeelle, Maxamed Cabdi Waare ayaa lagu xaqiijiyay in Wasiir ku xigeenka uu xalay ku dhintay Isbitaalka Erdogan, halkaaso mudooyinkii dambe looga daweynayay xanuun aan la shaacin.

Madaxweyne Waare ayaa tacsi u diray qoyska, ehelada iyo shacabka HirShabeelle ee uu ka geeriyoodey Wasiirka.

“Innaa Lillaahi wa Innaa Ileyhi Raajicuun. Anigoo ku hadlaya magaca Afka Golayaasha Dowladda Hirshabelle, waxaan tiiraanyada iyo murugada la qeybsanayaa Qoyska, Ehalada iyo Shacabka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday Marxuum Siciid Xaashi, waxaa lagu xusuusan doonaan doorkii wanaagsanaa iyo sida hufan ee uu ugu adeegay Dalkiisa iyo Shacabkiisa, waxaa uu ahaa shaqsi ma daale ah oo si hufan ugu soo dhalaalay gudashada waajibaadka shaqo," ayuu yiri Madaxweyne Waare.

Wasiir ku xigeenka geeriyoodey ayaa kamid ahaa dhalinyarada katirsan Xukuumadda Madaxweyne Waare ee fadhigeedu yahay magaalada Jowhar, waxaana lagu wadaa in meydkiisa la aaso maanta oo Isniin ah.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Ciidamada Midowga Afrika oo la filayo inay Banneeyaan Saddex Aag oo ku yaalla Shabeellaha Hoose

Hase yeeshee, dowladda federaalka ayaa hore u muujisay walaac ku saabsan awoodda ciidamada dalka ee ay hadda haystaan.

  • Soomaliya

    27-10-2026

  • 09:10AM

Museveni oo Farta ku Fiiqay Sababta ugu weyn Khilaafaadka Soomaaliya, Baaqna u Diray Hoggaanka Dalka

Museveni ayaa hadalkan ka sheegay kulan uu Madaxtooyada Entebbe kula yeeshay Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.

  • Soomaliya

    27-10-2026

  • 08:55AM