Terminal-kii laga xiray UN-ka iyo AMISOM oo "la fasaxay"

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa ka noqotay go’aankii ay horay ugu xirtay terminal-ka gaarka ah MOVCON ee garoonka diyaaradaha Aadan Cadde, oo ay adeegsadaan hay’adaha Qaramada Midoobay, ciidamada AMSIOM iyo safaaradaha reer Galbeedka, sida saraakiil xilkas ah u sheegeen Garowe Online.

Cabdullaahi Maxamed Nuur, wasiirka Amniga ee xukumadda xilgaarsiinta ah, ayaa soo saaray amarka dib loogu fasaxay isticmaalka terminal-ka MOVCON, kaas oo ay fuliyeen hay’adaha ku shaqada leh.

Warsidaha Garowe Online ayaa fahamsan in go’aankaan yimid, kadib wada-hadallo dhexmaray Wasiirka Amniga iyo Diblumaasiyiinta ku sugan gudaha Xerada Xalane oo ka wada-hadlay xayiraadda la soo rogay oo ay horay uga horyimaadeen QM iyo AMISOM.

Saraakiil kale oo ka tirsan hay’adda duulista rayidka ayaa xaqiijiyey in la fasaxay terminalka, isla-markaana uu haatan sidii hore u shaqeynayo.
Amarka lagu xiray terminal-kan waxaa horey u soo saartay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo shaacisay in dhowr sababood loo xiray MOVCON oo ay ka mid tahay in ay adeegsadaan rakaab aan aheyn QM iyo AMISOM, taasi oo jebineysa hanaanka socdaalka sharciga ah.

Warqadda kasoo baxday Wasaaradda Arrimaha Dibedda ayaa waxaa sidoo kale lagu sheegay in marar badan ay dhacday in duulimaadyada QM ay soo cago dhigteen garoonka ayaga oo aan kahor waaxda socdaalka usoo gudbin dokumentiyada rasmiga ah.

Go’aanka ay dib ugu fasaxday xukuumadda Rooble isticmaalka terminal-ka gaarka ah MOVCON ayaa ku soo aadayo xilli xasaasi ah, isla-markaana uu khilaaf horleh ka dhashay talaabadii uu qaaday Rooble ee ku aadan dib u celinta lacagtii lagala wareegay Imaaraadka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Villa Somalia oo shaacinaysa jadwalka doorashada federaalka ee 2027, iyadoo aan heshiis siyaasadeed laga gaarin

Sida ay wararku sheegayaan, jadwalka la diyaariyay ayaa dhigaya in doorashada federaalka lagu qabto muddo 180 maalmood ah.

  • Soomaliya

    14-10-2026

  • 02:17PM

Sheekh Shariif oo dowladda ku eedeeyay inay beegsanayso xafiiskiisa, isla markaana xaddiday dhaqdhaqaaqa gurigiisa

Xafiisku wuxuu sheegay in xubnaha ilaalinta Sheekh Shariif ay muujiyeen is-xakameyn si looga fogaado iska horimaad hubeysan.

  • Soomaliya

    12-10-2026

  • 11:29AM