Wasiir iyo Xildhibaan lagu dilay qarax ka dhacay duleedka Muqdisho

Image

WANLAWEYN, Soomaaliya - Wasiir katirsanaa maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya iyo Xildhibaan kamid ahaa Baarlamaanka HirShabeelle ayaa lagu dilay qarax xooggan, oo ka dhacay gobolka Shabeellaha Hoose.

Cabdulqaadir Cabdullaahi Cali [Baraf], wasiiru dowlihii amniga Koonfur Galbeed iyo Xildhibaan Axmed Cabdi Faarax [Kabaweyne] ayaa ku dhintay qarax miino oo lagula eegtay Gaari ay wateen inta u dhaxaysa Afgooye iyo Balli-Doogle.

Labo Askari oo ilaalo u ahaa Wasiirka iyo Xildhibaanka ayaa sidoo kale ku dhintay qaraxa oo ahaa mid culus, islamarkaana burburiyay gaariga, sida ay mas'uuliyiin katirsan maamulka Koonfur Galbeed xaqiijiyeen.

Mas'uuliyiintan ayaa kasoo noqonayay xilliga qaraxa deegaanka Balli Doogle oo shalay [Arbaco] uu booqasho ku tagey Madaxweynaha Koonfur Galbeed Shariif Xasan oo halkaasi dadka deegaanka iyo Saraakiil ciidan kula kulmay.

Kulanka Balli-Doogle ayaa Madaxweyne Shariif waxa uu la yeesheen Taliyeyaasha Ciidamada xoogga dalka iyo kuwa Mareykanka ee halkaasi saldhigyada ku leh, iyagoo kawada hadlay sidii la isagu furi lahaa wadada Muqdisho iyo Baydhabo.

Al-Shabaab ayaa sheegatay Mas'uuliyadda qaraxa, iyadoo xustay in labada mas'uul ee dhintay ay abaabuleen duqeyn cirka ah oo dhawaan lagu qaaday Xarun ay Caruur ku tababarayeen oo ku taallo deegaanka Jameeco jiliyaale ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Madaxweyniyaasha Koonfur Galbeed Shariif Xasan iyo HirShabeelle Cali Cabdullaahi Cosoble ayaa ka tacsiyadeeyay geerida Wasiirka iyo Xildhibaanka, iyagoo dhanka kale cambaareeyay falkii lagu khaarjiyay.

Al Shabaab ayaa mudooyinkiii dambe labo jibaartay weerarada ay ku qaadayso goobaha ay dowladda maamusho, iyadoo dhanka kale sare u qaadey beegsiga qaraxyada Kolonyada mas'uuliyiinta dowladda, Ciidamada Soomaalida iyo kuwa AMISOM.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo Beesha Caalamka kala hadlay khilaafka doorashooyinka Soomaaliya

Dhanka kale, mucaaradka ayaa ku baaqaya in marka hore la gaaro is-afgarad siyaasadeed oo loo dhan yahay.

  • Soomaliya

    04-08-2026

  • 11:45AM

Xisbiga Towfiiq oo diiday natiijada doorashada Galmudug, kuna eedeeyay guddiga doorashada eex

Guddiga Doorashooyinka ayaan weli si rasmi ah uga jawaabin eedeymaha Towfiiq ama shaacin in dib loo eegayo natiijooyinka la soo saaray.

  • Soomaliya

    04-08-2026

  • 08:23AM