Wasiir Juxa oo Muqdisho ka furay shirka Xasilinta

Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Somaaliya - Wasiirka Arrimaa Gudaha, Federaalka iyo dib u heshisiinta Somaaliya, Cabdi Faarax Saciid "Juxa", ayaa maanta magaalada Muqdisho ka furay shirka Bilaha ee Xasilinta dalka.

Shirka waxaa ka qeybgalay Wasiirada Arrimaha Gudaha maamul goboleedyada, Madax ka socoto Beesha caalamka, ku xigeenka Ergayga gaarka ah ee QM, Peter de Clercq iyo Danjiraha Ingiriiska David Concer.

Wasiir Juxa, oo shir Gudoominayay Kulanka, ayaa sheegay in Mas'uuliyiinta goobjooga ahaa, ay isla gorfeeyeen sidii loo heli lahaa qorshe midaysan oo la xiriira Xisilinta dalka Somaaliya.

Juxa wuxuu carabka ku adkeeyay in Dowladda Somaaliya ay ka shaqeynayso Xoojinta xiriirka Dowlad Goboleedyada, maadaama Wadajirka muhiim u yahay xasilinta dalka iyo Baahinta awooda dowladda.

Xaslinta dalka waxay ka billaabatay degmooyinka laga saarey Al shabaab, oo hadda dowladda Federaalka Somaaliya ka hergelinayso adeegyada Bulshada, iyadoo laga shaqeynayo in dagmo walba dadkeeda ay helaan maamul ay soo doorteen.

GAROWEONLINE

Related Articles

Burburka Shirkii Xalane iyo Khilaafka Doorashada oo Soomaaliya Geliyey Marxalad Siyaasadeed oo Cusub

Wadahadallada ayaa u dhexeeyey madaxda Golaha Mustaqbalka Soomaaliya oo ay…

  • Soomaliya

    15-05-2026

  • 07:53PM

Baydhabo oo gashay hubanti la'aan ka dib markii taliyeyaal sare lagu dilay duleedka magaalada

Arrimahan hubeysan ayaa kusoo beegmaya xilli uu cirka isku sii duubayo khilaafka ka dhashay doorashadii Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    14-05-2026

  • 01:16PM