Wasiir ka tirsan dowladda Federaalka oo lagu dilay Muqdishu

Image

MUQDISHU, Somalia - Wasiirka howlaha Guud iyo dib-u-dhiska Dowladda Federaalka Somalia Cabaas Cabdullaahi Sheekh Siraaji ayaa caawa lagu dilay magaalada Muqdishu, ee caasumadda dalka Somalia.

Cabaas Cabdullahi Sheekh Siraaji, oo ahaa wasiirka ugu da'da yar wasiirada cusub ayaa ku dhintay rasaas lagu furey gaarigiisa, xilli uu marayay meel ku dhaw xarunta Madaxtooyada Villa Somalia.

Wasiirka warfaafinta Somalia Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yarisow ayaa xaqiijiyay dilka Wasiirka, waxaana uu ka gaabsaday inuu fahfaahin dheeraad ah ka bixiyo cida dishay.

Warar GO uu helay ayaa sheegay in ciidamo illaalo u ah Hant-dhowraha Guud ee qaranka ay rasaasta ku fureen Gaariga Wasiirka Howlaha Guud, kadin markii sida la sheegay ay ka shakiyeen.

Waxaa lagu soo waramayaa inla qabtay 4 kamid ah Askarta dilka geysatay, islamarkaana uu socdo baaritaan xooggan.

Cabaas Cabdullahi Sheekh Siraaji, ayaa sidoo kale ahaa Xildhibaan katirsanaa Aqalka hoose ee Baarlamaanka Somalia, waxaana laga soo doortay Jubbaland.

Wuxu mudo 20 sano ah uu ku noolaa xerada IFO ee katirsana Dhadhaab, oo uu kamid ahaa Kumanaanka qaxootiga Soomaaliyeed ee halkaasi ku noolaa wixii ka dambeeyay burburkii dowladdii dhexe ee dalka.

Magalaada Muqdishu ayaa waxaa ka jira Cabsi farabadan oo la xiriirta qaraxyada lalal beegsanayo madaxda dowlada, saraakiisha iyo shacabka.

GAROWEONLINE

Related Articles

Aadan Madoobe oo digniin culus u diray ciidamada Lafta-Gareen ee ku sugan duleedka Baydhaba

Wuxuu sheegay in shacabka Maamulka Koonfur Galbeed ay mudan yihiin nabad, xasillooni iyo nolol ammaan ah.

  • Soomaliya

    22-08-2026

  • 08:49PM

Museveni oo Xasan Sheekh ku cadaadinaya heshiis siyaasadeed lala gaaro mucaaradka Soomaaliya

Howlgalka ayaa wajahaya caqabado dhaqaale, iyadoo Mareykanku qorsheynayo inuu joojiyo maalgelinta AUSSOM bisha December 2026.

  • Soomaliya

    22-08-2026

  • 07:41AM