Wasiir kale oo hortagey Barlamanka iyo Mooshin Cusub oo dib loo celiyay

Image

MUQDISHU, Somalia - Wasiirka Boostada, Isgaarsiinta iyo Tignoolajiyada Xukuumadda Somalia Eng Cabdi Canshuur Xasan, ayaa markale maanta hortagey Gollaha Shacabka, halkaasi oo Xildhibaanada ay su'aallo ku waydiiyeen.

Su’aalaha Wasiirka la waydiiyay waxaa ka mid ah xilliga sida rasmiga ah ay dowladda ula soo wareegeyso Furaha lagu soo gali wicitaanka Somalia ee 252 iyo xilliga ay Wasaaradu ay hergelinayso adeeg Isgaarsiineed oo dowladda maamusho, si shacabka uga baxaan gacanta shirkadaha gaarka.

Wasiirka ayaa sheegay in dhamaan su'aalaha ay qabaan Xildhibaanada ay yihiin kuwa Wasaaradiisa ay uga jawaabtay Hindise sharciyeedka horyaalla Gollahu, oo gacanta ay ku hayaan Gudiga Isgaarsiinta Barlamanka, wuxuuna ka codsaday Mudaniyaasha inay akhriyaan Warqadaha.

Dhanka kale, Barlamanka ayaa ka dooday mooshin ay soo gudbiyeen 53 Xildhibaan, kaasi oo ay kuu dalbanayaan in dalka laga joojiyo Badeecooyinka dibadda laha soo dhoofiyo, kuwaasi oo laga heli karo dalka gudahiisa.

Xildhibaanada ayaa mooshinkan ka yeeshay dood kulul oo mudo qaadatey, waxaana ay ku kala aragti duwanaadeen sharcigan, oo qaarkood soo jeediyay in marka hore loo baahan yahay in Wasaarada arrimahan quseysa ay Daraasada kusoo sameyso arintan, inta aan loo codeyn.

Xildhibaanada qaarkood ayaa sheegay in xiligan oo dalka xaalada soo kabasho ah ku jiro, islamarkaana ay burbursan yihiin kaabiyaashiisa dhaqaale, aan loo baahneyn in la joojiyo waxa dibadda looga soo dhoofiyo noocey doonaan ha ahaadeen, haddii shacabka ku tiirsan yahay.

Guddoonka sare ee Gollaha Shacabka ayaa markii uu dhageystay aragtida labada dhinac ee Xildhibaanada, ayaa ku dhawaaqay in dib loo celinayo mooshinkan, islamarkaana lagu wareejinayo Guddiga Kheyraadka ee Barlamanka Somalia, oo soo darsaya.

GAROWEONLINE

Related Articles

Villa Somalia oo Heshiis la gashay xubno kasoo goostay Madashii Saamatabixinta

Si kastaba, heshiiskan ayaa horseeday kala qaybsanaan muuqata oo ka dhex dhacday Madasha Samatabixinta.

  • Soomaliya

    25-08-2025

  • 12:55PM

Bangiga Maalgashiga Yurub oo tixgelinaya inuu amaah siiyo Soomaaliya xilli xiisado jiraan

Go’aankan ayaa soo baxay wax ka yar laba sano kadib markii Soomaaliya laga cafiyay…

  • Soomaliya

    24-08-2025

  • 09:54PM