Wasiir Maxamed: Daacish waxay Malaayiin dollar ka heshay ka ganacsiga Dahabka

Image

GAROWE, Soomaaliya — Dagaalyahanno ajaanib ah oo ka kala yimid Suuriya, Turkiga, Morocco, Koonfur Afrika, Nigeria iyo Kenya ayaa sannadihii u dambeeyay soo galay Puntland, balse dadaalladoodii ay ku doonayeen inay ku qortaan dhalinyarada Soomaaliyeed ay guul-darro kala kulmeen, ayuu sheegay Wasiirka Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada Puntland, Maxamed Cabdiraxmaan Faroole.

Wasiirka, oo door muhiim ah ka soo qaatay aas-aaska Ciidanka Booliska Badda Puntland (PMPF), ayaa sheegay in kooxda ISIS ay ku tiirsanayd ilo dhaqaale oo sharci-darro ah si ay u maalgeliso falalkeeda argagixiso ee ka socda xeebaha gobolka Bari iyo dalal kale oo dibada ah.

“ISIS waxay sameysaa qodista dahabka ee sharci-darrada ah iyo dhoofinta dhuxusha si ay u hesho ugu yaraan $10 milyan bil walba,” ayuu yiri Wasiir Maxamed C/raxmaan Faroole, isaga oo xusay in dhaqaalahaas lagu taageeray howlgallo argagixiso oo ka socda Mozambiq iyo dalal kale oo gobolka ah.

Wasiirka oo wareysi siiyay Washington Times wuxuu sheegay in Puntland ay horumar weyn ka sameysay la-dagaallanka ISIS tan iyo markii la bilaabay howlgalka Hilaac ee buuraha Calmiskaad bishii Diseembar 2024. Ciidamada difaaca Puntland ayaa dilay boqolaal dagaalyahanno ah, oo ay ku jiraan ajaanib, halka qaar ka mid ah hoggaamiyeyaasha ISIS-na lagu qabtay iyagoo nool.

Wasiirka ayaa bixiyay wareysiga kaddib markii uu 6-da Diseembar soo saaray muuqaal uu kaga jawaabay hadal uu jeediyay Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump oo uu Somalida ku tilmaamay “qashin,” hadal si weyn niyad-jab uga abuuray Soomaaliya

“Ciidamadeennu waxay gaarsiiyeen ISIS dharbaaxo culus dagaalladii waaweynaa, taas oo wiiqday shabakaddooda dhaqaale,” ayuu yiri Wasiirka.

Inkasta oo tirada dhalinyarada deegaanka ee ku biiray ay yar tahay, haddana Wasiirka wuxuu ka digay in joogitaanka dagaalyahannada ajaanibta ah uu weli yahay halis amni oo sii kordheysa oo wajahaysa Puntland iyo guud ahaan Geeska Afrika. “Waxaan si dhow ula shaqeyneynaa ciidamada qaranka Soomaaliyeed iyo saaxiibada caalamiga ah si loo burburiyo shabakadahaas loogana hortago qorasho dambe,” ayuu raaciyay.

Maamulka Puntland ayaa sidoo kale adkeeyay kormeerka xeebaha iyo la socodka marinada tahriibinta, gaar ahaan kuwa dhuxusha, oo muddo dheer ahaa il dhaqaale oo ay adeegsadaan kooxaha hubeysan. Mudane Maxamed C/raxmaan wuxuu carrabka ku adkeeyay in la joojinta ilaha dhaqaale ee argagixisadu ay lamid tahay muhiimadda la dagaallanka dagaalyahannadooda.

Saaxiibada caalamiga ah, oo ay ka mid yihiin Mareykanka iyo Imaaraadka Carabta, ayaa weli taageero siiya ciidamada Puntland iyagoo bixinaya duqeymo cirka ah, wadaagista xogaha sirdoonka, tababaro iyo gargaar saadka ah si looga hortago khatarta ISIS iyo Al-Shabaab ee ka dhan ah Soomaaliya iyo Bariga Afrika.

— GAROWE ONLINE

Related Articles

Hoggaamiyeyaal saameyn ku leh siyaasadda Soomaaliya oo Shir uga furmay Kismaayo

Dhankiisa, Madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe ayaa ku eedeeyay dowladda federaalka in ay dhibaato u geysatay maamulkiisa.

  • Soomaliya

    18-12-2025

  • 05:55PM

Soomaaliya iyo Turkiga oo kala saxiixday heshiis kalluumeysi

Heshiiskan ayaa ujeedkiisu yahay in hawlaha kalluumeysiga ee Soomaaliya lagu fuliyo nidaam dhexe, waara oo si buuxda loo diiwaangeliyay.

  • Soomaliya

    17-12-2025

  • 01:55PM