Wasiir Nuux oo kusoo baxay Doorashada Aqalka hoose

Image

MUQDISHU, Somalia- Wasiirka dhalinyarada iyo Sports-ka Somalia ee uu waqtiga ka dhamaaday, ayaa maanta lagu doortay Doorashada ka dhacday magaalada Muqdishu.

Nuux ayaa ku guulaystay 43 cod, iyadoo Gabar la tartantay oo lagu magacaabo Hinda Cabdullaahi Cumar ay heshay hal cod oo kaliya, maadaama codadkooda dhiibteen 44 Ergo oo kaliya.

Wasiir Nuux oo labo jeer oo horey sidan oo kale loo doortay ayaa waxaa diidey Guddiga Doorashada Heerka Federaalka iyo Beesha Caalamka, oo sheegay inuu musuq-maasuq iyo handadaad kusoo baxay.

Nasro Cali Axmed, oo ahayd Murashax 3-aad ayaa ka tanaasushay tartanka, iyadoo sheegtay inaysan aqoon u lahayn ergada wax dooranaysay, oo ahaa kuwa si gaar ah uu u watay Wasiir Nuux.

Wasiir Nuux ayaa la sheegay inuu kamid yahay koox siyaasadeedka Madaxweyne Xasan Sheekh [Damul Jadiid], islamarkaana doonayo inuu ku guulaystay Doorashada soo socoto.

Dhowr xubnood oo doorashadooda horay loo diiday ayaa sidaan oo kale ugusoo baxay doorashooyin ka dhacay Muqdishu iyo xarumaha maamul goboleedyada dalka.

GAROWEONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh Oo Qaabilay Safiirka Midowga Yurub Ee Soomaaliya

Warar soo baxaya ayaa sheegay in Midowga Yurub iyo deeq-bixiyaasha kale aysan ku qanacsanayn qaabka uu Xasan Sheekh wax u wado.

  • Soomaliya

    17-05-2026

  • 08:59PM

Sheekh Shariif: "Xasan Sheekh Waxa Uu Taagan Yahay Halkii Uu Ka Bilaaban Lahaa Dhicitaankiisa"

Madaxweynihii hore ayaa caddeeyey in mucaaradku ay isticmaalayaan waddooyin sharci iyo kuwo siyaasadeed.

  • Soomaliya

    17-05-2026

  • 06:55AM