Wasiir Xog ka bixiyay Heshiiska Soomaaliya iyo Itoobiya [Daawo]

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta xukuumada Soomaaliya, Daahir Maxmuud Geelle, ayaa wuxuu faah-faahin dheeraad ah uu ka bixiyay heshiiskii ay wada galeen dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya.

Wuxuu kaloo uu kaloo ka hadlay wasiirka qodobo kale oo ay kamid yihiin hadalkii uu Ra'iisul Wasaare Abiy Axmed uu ku sheegay in la midaynayo mustaqbalka dalalka Soomaaliya iyo Itoobiya.

Wasiir Geelle ayaa balanqaad ugu sameeyay shirkaan jaraa'id ee uu qabta xarumaha warbaahinta ee ka howlgala Muqdisho iyo guud ahaan Soomaaliya, wuxuuna wacad muray inay si dhow uga war-qabi doonan.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa wuxuu soo hadal-qaaday xaalada amaan ee dalka guud ahaantiisa, iyo gaara ahaan midka caasimada Soomaaliya ee Muqdiho, kaasoo mudooyinkii dambe sii xumaanayey.

Hoos Ka Daawo Shirka Jaraa'id ee Wasiirka:

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo baajiyey safar uu ku tegi lahaa Ruushka xilli uu isa soo tarayo Cadaadiska Uganda

Hase yeeshee, Madaxweyne Museveni ayaa la sheegay inuu diiday codsigaas, isagoo sabab uga dhigay caqabado dhaqaale.

  • Soomaliya

    28-10-2026

  • 05:28AM

Ciidamada Midowga Afrika oo la filayo inay Banneeyaan Saddex Aag oo ku yaalla Shabeellaha Hoose

Hase yeeshee, dowladda federaalka ayaa hore u muujisay walaac ku saabsan awoodda ciidamada dalka ee ay hadda haystaan.

  • Soomaliya

    27-10-2026

  • 09:10AM