Wasiirada Soomaaliya oo ansixiyey saddex hindise sharciyeedyo

Image
Golaha Wasiiradda ayaa guddi u saaray xaqiijinta ka saarista Soomaaliya cunaqabateynta hubka.

MUQDISHO, Soomaaliya - Golaha Wasiirada ayaa maanta yeeshay shirkooda todobaadlaha ah oo uu guddoomiyay Ku-simaha Ra’iiisul Wasaaraha ahna Ra’iisul Wasaare ku xigeenka, Saalax Axmed Jaamac.

Shirka Golaha ayaa lagu ansixiyey Hindise Sharciyeedyada kala ah; Dhiirigelinta Maalgashiga, Hindise Sharciyeedka Hey’adda Xisaabiyaasha Soomaaliyeed iyo Hindise Sharciyeedka Dhismaha Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliyeed.

Wasaaradaha Amniga Gudaha iyo Gaashaandhigga ayaa golaha warbixin ka siiyey xaaladihii ugu danbeeyey ee amniga iyo howlgallada dalka looga xoreynayo kooxaha Khawaarijta ah. Golaha ayaa boggaadiyey guulaha isdaba joogaa ee laga gaaray howlgallada xoreynta ee ka socda qaar kamid ah gobollada dalka.

Golaha ayaa loo qeybiyey Hindise Sharciyeedka Daawada iyo Badqabka Cunnada Soomaaliya iyo Hindise Sharciyeedka Dhowrista Maalgashadayaasha iyo Maalgashiyada, iyadoo dhinaca kale goluhu guddi u saaray xaqiijinta ka saarista Soomaaliya cunaqabateynta hubka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya oo hakisay heshiisyadii dekedaha, amniga iyo difaaca ee Imaaraadka Carabta

Golaha Wasiirradu waxay hoosta ka xariiqeen in midnimada qaran ay laf-dhabar u tahay difaaca danaha aasaasiga ah ee Soomaaliya.

  • Soomaliya

    12-01-2026

  • 08:32PM

Shiinaha oo Madaxweyne Xasan Sheekh ku casuumay Beijing

Dhankiisa, Wasiir Cabdisalaam Dhaay ayaa uga mahadceliyay Shiinaha taageerada joogtada ah ee uu siiyo Soomaaliya.

  • Soomaliya

    12-01-2026

  • 08:29AM