Wasiiradda Hir-Shabelle oo la dhaariyay

Image

JOWHAR, Somalia- Waxaa galabta lagu dhaariyay magaalada Jowhar Golaha cusub ee wasiirrada Hir-Shabelle, kuwaasi oo maalmo kahor uu ansixiyay Baarlamaanka maamulkaasi.

Madaxweynaha Cali Cabdullaahi Cosoble, ku xigeenkii iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka maamulkaasi Sheekh Cismaan Barre Maxamed ayaa ka qeyb-galay munaasabada dhaarta.

Madaxweyne Cosoble, ayaa Xildhibaanada Baarlamaanka usoo bandhigay Barnaamijka xukuuamaddiisa ku shaqeyn doonto 4 sano ee soo socoto.

Golaha Wasiiradda cusub ayuu kula dardaarmay Madaxweynuhu, inay gutaan waajibaadka loo doortay oo ah inay u adeegaan shacabka HirShabelle.

Cosoble, ayaa balan-qaaday waxqabad iyo hufnaan, isagoo hoosta ka xariiqay in 100-ka maalmood ee soo socda uu la imaan doonoo isbedel la taaban karo.

Wasiirrada Hir-Shabelle oo ka kooban 52 xubnood, oo isagu jiro wasiirro, ku xigeenno iyo wasiiru dowlayaal ayaa waxaa magacaabay Madaxweyne Cosoble bishii lasoo dhaafay.

GAROWEONLINE

Related Articles