Wasiiradda Soomaaliya oo ansixiyey hindise-sharciyeed

Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Shirka todobaadlaha ah ee Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo guddoominayey Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa looga hadlay, xaaladda guud ee amniga dalka, Xanuunka Safmarka Karoona, warbixinno ku saabsan safarro shaqo oo wasiirro ka tirsan Xukuumadda ay ku tageen gudaha dalka iyo dibeddiisa, ansixinta hindise sharciyeedka Xajka iyo hindise sharciyeedka Habka maktabadaha Soomaaliyeed.

Wasaaradaha Amniga Gudaha iyo Gaashaandhigga ayaa Golaha warbixin ka siisay xaaladaha amniga iyo Howlgallada xasilinta dalka, waxayna tilmaameen in guud ahaan ciidamadda qaranku ay u diyaar san yihiin sidii loo sugi lahaa amniga xiligan dalka ay ka dhacayso doorashooyinka.

Golaha Wasiirrada ayaa ugu mahadceliyey shacabka Soomaaliyeed doorkooda xasilinta dalka oo muhiim u ahaa horumarka laga sameeyey amniga.

Wax ka badelka Hindise sharciyeedka habka maktabadaha Soomaaliyeed oo soo gudbisay wasaaradda waxbarashada ayay goluhu ansixiyeen, iyadoo sidoo kale la meel mariyey Hindise sharciyeedka arrimaha Xajka oo Wasaaradda Diinta iyo Owqaaftu ay golaha u soo gudbisay.

Golaha ayaa warbixin faah faahsan oo ku saabsan laba kaclaynta caabuqa karoona ka dhageystay wasaaradda Caafimaadka oo ugu baaqday bulshada Soomaaliyeed in ay muujiyaan feejignaan dheeri ah, lagana fogaado wax walba oo ka qeyb qaadan kara faafitaanka xanuunkan.

Wasiirrada wasaaradaha Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Wasaaradda Caddaaladda oo safarro shaqo ugu maqnaa dalka gudihiisa iyo dibeddiisa ayaa golaha uga waramay guulaha laga gaaray safarkooda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya oo Wajahaysa Marxalad Xasaasi ah iyadoo aan Laheyn Waddo Cad oo Doorashada ah

Arrintan ayaa sare u qaadday walaaca laga qabo xasilloonida siyaasadeed iyo kala-guurka dimoqraadiyadeed ee dalka.

  • Soomaliya

    05-06-2025

  • 02:53PM

Xasan Sheekh oo casuumad rasmi ah u diray siyaasiyiinta mucaaradka

Siyaasiyiinta mucaaradka ayaa la sheegay in ka caga-jiidayaan ka qeybgalka kulanka, maadaama ay ka maqan yihiin Puntland iyo Jubaland.

  • Soomaliya

    05-06-2025

  • 09:33AM