Wasiiradda Soomaaliya oo ansixiyey hindise-sharciyeed

Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Shirka todobaadlaha ah ee Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo guddoominayey Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa looga hadlay, xaaladda guud ee amniga dalka, Xanuunka Safmarka Karoona, warbixinno ku saabsan safarro shaqo oo wasiirro ka tirsan Xukuumadda ay ku tageen gudaha dalka iyo dibeddiisa, ansixinta hindise sharciyeedka Xajka iyo hindise sharciyeedka Habka maktabadaha Soomaaliyeed.

Wasaaradaha Amniga Gudaha iyo Gaashaandhigga ayaa Golaha warbixin ka siisay xaaladaha amniga iyo Howlgallada xasilinta dalka, waxayna tilmaameen in guud ahaan ciidamadda qaranku ay u diyaar san yihiin sidii loo sugi lahaa amniga xiligan dalka ay ka dhacayso doorashooyinka.

Golaha Wasiirrada ayaa ugu mahadceliyey shacabka Soomaaliyeed doorkooda xasilinta dalka oo muhiim u ahaa horumarka laga sameeyey amniga.

Wax ka badelka Hindise sharciyeedka habka maktabadaha Soomaaliyeed oo soo gudbisay wasaaradda waxbarashada ayay goluhu ansixiyeen, iyadoo sidoo kale la meel mariyey Hindise sharciyeedka arrimaha Xajka oo Wasaaradda Diinta iyo Owqaaftu ay golaha u soo gudbisay.

Golaha ayaa warbixin faah faahsan oo ku saabsan laba kaclaynta caabuqa karoona ka dhageystay wasaaradda Caafimaadka oo ugu baaqday bulshada Soomaaliyeed in ay muujiyaan feejignaan dheeri ah, lagana fogaado wax walba oo ka qeyb qaadan kara faafitaanka xanuunkan.

Wasiirrada wasaaradaha Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Wasaaradda Caddaaladda oo safarro shaqo ugu maqnaa dalka gudihiisa iyo dibeddiisa ayaa golaha uga waramay guulaha laga gaaray safarkooda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Khilaafka doorashooyinka oo sii xoogeysanaya, Puntland iyo Jubaland oo isaga baxay wada-hadallada Muqdisho

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaan weli si rasmi ah uga hadlin wararka ku saabsan bixitaanka wafdiyada Jubbaland iyo Puntland.

  • Soomaliya

    22-07-2026

  • 12:34PM

Turkiga oo kordhiyay Maalgelinta Soomaaliya, balse muwaadiniinta Soomaaliyeed u diiday E-Visa

Soomaaliya ayaa weli ah dal muhiim u ah istiraatiijiyadda gobolka, sababo la xiriira goobta ay ku taallo iyo fursadaha kheyraad ee ay leedahay.

  • Soomaliya

    22-07-2026

  • 08:50AM