Wasiiradda Soomaaliya oo meelmariyey Miisaaniyad KMG ah

Image
Miisaaniyadan ayaa loo qoondeeyey howl fulinta dowladda ee bilaha April ilaa June ee 2022.

MUQDISHO, Soomaaliya - Golaha Wasiirrada Xukuumadda xilgaarsiinta Soomaaliya ayaa ansixiyey Miisaaniyad KMG ah oo dhan $ 206,474,223, "taasoo loo qoondeeyey howl fulinta dowladda ee bilaha April ilaa June ee 2022.

Ra’iisul Wasaaraha xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa, sida ku cad bayaankan uu arkay warsidaha Garowe Online, wuxuu guddoomiyey kulanka lagu meelmariyey miisaaniyadda.

Wasiirka Maaliyada, Cabdiraxmaan Ducaale Bayle, ayaa golaha wasiirada u soo bandhigay Miisaaniyadda KMG ah oo faahfaahsan una sharaxay muhiimada ay u leedahay dalka.

Qoraalka ayaa la raaciyey: "Iyadoo goluhu si aqlabiyad leh u meel mariyay miisaaniyadda rubaca labaad ee sanadka, si aysan hakad u galin howlaha dowladda, maadaama dalku ku jiro doorashooyin".

Sida laga soo xigtay bayaanka, Rooble ayaa ku bogaadiyey Wasaaradda Maaliyadda in ay miisaniyadda Rubaca Labaad ee Sanadka ay ku soo dhammays tirtay waqtigii loo muddeeyey.

"Waxa uuna u mahadceliyey dhammaan hey’adaha dowladda ee ka shaqeeyay kordhinta dakhliga dowladda iyo Golaha Wasiirrada oo ansixiyay," ayaa la raaciyey war-saxaafadeedka.

Shirka Golaha Wasiirrada Soomaaliya ayaa sidoo kale waxaa lagu soo hadal-qaadey arrimo ay ka mid yihiin doorashooyinka dalka oo heer gebogebo ah maraya iyo dadaallada dowladda ee wax ka qabashada abaaraha ka jira dalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hay’adda Sirdoonka oo sheegtay in sagaal dagaalyahan oo Al-Shabaab ah la dilay

Howlgalkii labaad ayaa ka dhacay agagaarka Tugaareey, halkaas oo maleeshiyaadku ku dhuumaaleysanayeen kayn.

  • Soomaliya

    04-04-2026

  • 03:07PM

Sarkaal Sare oo ka Tirsan Al-Shabaab oo Gacanta lagu Dhigay

Taliyaha Qaybta Koobaad ee AUSSOM, Jackson Kayanja, ayaa ku bogaadiyay ciidamada wadajirka ah guusha ay ka gaareen howlgalkan.

  • Soomaliya

    04-04-2026

  • 12:11PM