Wasiirka arimaha gudaha dowlada Federaalka oo gaarey magalaada Cadaado [ DAAWO]

Image

Cadaado- Wafdi uu hogaaminayo Wasiirka arimaha gudaha dowlada Federaalka Somalia Cabdi Farax Siciid "Juxa" ayaa maanta booqasho ku tagey xarunta KMG ah Galmudug halkasoo la filayo in dhowaan ka dhacaan Doorashada Madaxweynaha maamulkaas.

Wafdiga Wasiirka arimaha gudaha hogaaminayo oo ka kooban xildhibaano labada aqal ah ayaa la filayaa in kulamo la qataan gudoonka Barlamanka maamulkaas iyo guddi Doorashada kuwasoo kala xaajoon doona sidii la isugu soo dhoweyn lahaa dhinacyada isku khilaafsan waqtiga la qabanayo Doorashada Madaxweynaha maamulkaas.

Wasiirka arimaha gudaha Somalia oo si diiran loogu soo dhoweeyey magalaada Cadaado ayaa warsaxafadeed kooban uu qabtey ku sheegey in safarkoodu ku saabsan yahay is-xogwareysi iyo kormeerka abaaraha ka jira gobolka.

Guddiga Doorashada maamulka Galmudug ayaa waqti u qabtey xiliga ay dhaceyso Doorashada Madaxweynaha maamulkaas taasoo ay diideen maamulka Ahlu Sunah kuwasoo gacanta ku haya magaalo madaxda maamulkaas Dhuuso mareeb.

Dowlada Federaalka ayaa horey hadal uga soo saartey sidii ay u jeclaan laheyd in dhinacyada kala duwan ee maamulka Galmudug heshiis ka gaaraan qabashada Doorashada Madaxweynaha maamulka Galmudug.

HALKAN KA DAAWO BOOQASHADA WASIIRKA 

GAROWEONLINE  

Related Articles

Aadan Madoobe oo digniin culus u diray ciidamada Lafta-Gareen ee ku sugan duleedka Baydhaba

Wuxuu sheegay in shacabka Maamulka Koonfur Galbeed ay mudan yihiin nabad, xasillooni iyo nolol ammaan ah.

  • Soomaliya

    22-08-2026

  • 08:49PM

Museveni oo Xasan Sheekh ku cadaadinaya heshiis siyaasadeed lala gaaro mucaaradka Soomaaliya

Howlgalka ayaa wajahaya caqabado dhaqaale, iyadoo Mareykanku qorsheynayo inuu joojiyo maalgelinta AUSSOM bisha December 2026.

  • Soomaliya

    22-08-2026

  • 07:41AM