Wasiirka arrimaha dibada Kenya oo ka degay Muqdisho

Image
Dhigeeda Soomaaliya, Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud, ayaa ku qaabilay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde. [Photo: Screenshot]

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasiirka arrimaha dibadda Kenya, Raychelle Omamo, ayaa Axada maanta ah waxay kasoo degtay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada caasimada ah ee Muqdisho.

Dhigeeda Soomaaliya, Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud, ayaa soo dhaweeyay. "Aad ayaan ugu faraxsanahay [imaatinka Soomaaliya]," ayay tiri Omamo sida uu muujinayo muuqaalka soo dhaweynta.

Kulamo kala duwan ayaa lagu waddaa in ay la yeelato mas'uuliyiin uu ra'iisul wasaaraha xilgaarsiinta Rooble uu kamid yahay. Wararku waxay xusayaan in laga yaabo in Farmaajo ay la kulanto.

Warsidaha Garowe Online ayaa fahansan in Omamo ay siday warqad casuumaad rasmi ah oo ay u gudbineyso Rooble kaasoo la filayo in uu isla todobaadkan u socdaalo caasimada Kenya ee Nairobi.

Maxamuud oo kahor soo dhaweynta u waramay warbaahinta maxaliga ah ayaa tibaaxay "in lawada hadlo oo xiriirka marka lasoo celiyo si dhab ah loo wada hadlo waxaa ku jirta danta Soomaaliya, way noo suurta gashay inaan soo celino xiriirkii hadana waxaan ka hawl gelaynaa isu socodkii".

Inta uu ku sugan yahay Nairobi, wasiirka koowaad ee xukuumadda Soomaaliya, Rooble, waxaa lagu waddaa in uu la fadhiisto madaxda Kenya kalana hadlo arrimo ay kamid yihiin diblumaasiga iyo ganacsiga.

Cilaaqaadka Soomaaliya iyo Kenya ayaa hoos ugu dhacay si weyn afarti sano ee lasoo dhaafay iyadda oo madaxweynaha waqtiga ka dhacay Farmaajo lagu eedeeyay in uu shaqsiyadeedyay siyaasadda dibadda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Jubbaland iyo Danab oo Ku Dhow Inay Jamaame Kala wareegaan Al-Shabaab

Dadka deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta in qaar badan oo ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab ay dib ugu gurteen dhinaca Jilib.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 11:38AM

Gollaha Wasiirrada Soomaaliya oo Ansixiyay Heshiisyo iyo Shuruuc Muhiim ah

Xildhibaanadu waxay kaloo oggolaadeen Axdiga Ururka Caalamiga ah ee Dayax-gacmeedka Guur-guura.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 10:23AM