Wasiirka Arrimaha Gudaha oo la kulmay Madaxa ugu sareeya IOM

Image

MUQDISHU, Somalia- Wasiirka Arrimaha Gudaha dowladda Somalia Cabdi Faarax Saciid "Juxa", ayaa magaalada Muqdishu kula kulmay Madaxa ugu sareeya Hay’adda Socdaalka Adduunka ee (IOM).

Wasiir Juxa iyo Madaxda IOM aya kawada hadlay arrimo badan, oo ay kamid yihiin Dadka Soomaalida ah ee laga soo celinayo dalalka Dibadda ah iyo sidii wax looga qaban lahaa dhibaatooyinka Tahriibka.

Juxa ayaa ka codsaday IOM in Dowladda Somalia laga Gacan siiyo joojinta Tahriibka iyo in Barnaamijyo ay kaga Maarmaan in Dalal dibadda ah naftooda halis u geliyaan dhalinyaradu.

Waxay isla soo qaadeen in shaqo abuur loo sameeyo dhalinta.

Wuxuu xusay Juxa  in Dowladda Federaalka Somalia ay sameysay Qorshe Cad oo wax loogu qabanayo dadka Dib loogu soo celinayo dalka, oo loo abuuri doono shaqooyin ay noloshooda ku maareeyaan.

Hay'adda IOM ayaa balanqaadey inay ka caawinayso dowladda dhibaatooyinka dhinaca socdaalka ee ay uga wada hadleen Kulankooda, oo kusoo beegmaya xilli Jimcihii lasoo dhaafay la keenay Muqdishu 67 qof oo laga soo masaafuriyay dalka Mareykanka.

GAROWEONLINE

Related Articles

Qaramada Midoobay oo soo afjartay howlgalkeedii siyaasadeed ee Soomaaliya

Zenenga ayaa xusay in Soomaaliya ay horumar la taaban karo ka sameysay dhismaha hay’adaha dowladda, nidaamka federaalka.

  • Soomaliya

    31-10-2026

  • 12:13PM

Aadan Madoobe oo Itoobiya kala hadlay amniga Baydhabo iyo ka hortagga weerarrada Lafta-gareen

Itoobiya ayaa ciidamo ku leh Soomaaliya, gaar ahaan deegaanno ka tirsan Koonfur Galbeed, iyadoo qayb ka ah dadaallada amniga ee dalka.

  • Soomaliya

    31-10-2026

  • 05:27AM