Wasiirka Arrimaha Gudaha Somalia oo gaarey magaalada Jowhar

Image

JOWHAR, Somalia - Wafdi uu hogaaminayo Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Dowladda Federaalka Somalia, Cabdi Faarax Saciid "Juxa" ayaa maanta gaarey magaalada Jowhar, ee xarunta maamulka HirShabelle.

Wasiirka ayaa horkacaya Wafdi dhex-dhexaadin ah, oo ay dowladda dhexe u dirtey Jowhar, si ay usoo dhameeyaan Khilaaf Siyaasadeedka sii xoogeysanaya, ee ka dhex-taagan maamulka HirShabelle, gaar ahaan Barlamanka iyo Madaxweyne Cali Cabdullahi Cosoble.

Wasiir Juxa ayaa lagu wadaa inuu kulamo la yeesho Labada Golle ee maamulka HirShabelle, oo ay kamid yihiin Cosoble iyo Xildhibaanada kasoo horjeeda, ee dhawaan Kalsoonida kala laabtay, kadib markii ay ku eedeeyeen wax-qabad la;aan iyo ku takrifal awoodeed.

Madaxweyne Cosoble ayaa diiday xilka qaadistii ay ku sameeyeen Xildhibaano gaaraya 68 kadin markii ay ka keeneen Mooshin kalsooni kala noqosho ah Isniintii lasoo dhaafey ee Todobaadkan sii dhamaanaya.

Xildhibaanada ayaa u magacaabay Cali Cabdullaahi Xuseen (Guud-Laawe), inuu noqdo sii hayaha Madaxweynaha HirShabelle, inta ay kasoo dooranayaan Madaxweyne Cusub mudo bil gudaheeda ah, iyadoo ay dhiseen Gudi Doorasho, oo dhowr xubnood ka kooban.

Madaxweyne Cosoble ayaa diiday go'aanka Barlamanka, wuxuuna ku adkaysanayaa inuu weli yahay Madaxweynaha sharciga ah, isagoo ku eedeeyey dowladda Federaalka inay soo maleegtay Mooshinka xilka looga qaadey.

GAROWEONLINE

Related Articles

Villa Somalia oo Heshiis la gashay xubno kasoo goostay Madashii Saamatabixinta

Si kastaba, heshiiskan ayaa horseeday kala qaybsanaan muuqata oo ka dhex dhacday Madasha Samatabixinta.

  • Soomaliya

    25-08-2025

  • 12:55PM

Bangiga Maalgashiga Yurub oo tixgelinaya inuu amaah siiyo Soomaaliya xilli xiisado jiraan

Go’aankan ayaa soo baxay wax ka yar laba sano kadib markii Soomaaliya laga cafiyay…

  • Soomaliya

    24-08-2025

  • 09:54PM