Wasiirka Cadaaladda oo ka hadlay xilka qaadista Ibraahim Iidle

Image

MUQDISHO, Soomaaliya -  Wasiirka calaadda ee xukuumada Federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Xuseen Xaaji ayaa shaaciyay in Xilka qaadistii Gudoomiyihii Maxkamada sare ee dalka Ibraahim Iidle Suleyman ay ahayd mid sax ah.

Tix-gelinta cabooshooyin badan oo ka yimid bulshada qeybaheeda kala duwan ayuu ku sheegay wasiirka inay sabab u ahayd xilka qaadista Ibraahim Iidle, islamarkaana uu Farmaajo wax badan kawada hadleen ka hor inta uusan go'aankan soo saarin.

Baashe Yuusuf Axmed, ayuu Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo u magacaabay Gudoomiyaha cusub ee Maxkamada sare ee dalka, inkastoo Ibraahin Iidle kahor yimid xilka qaadistiisa, islamarkaana sharci daro ku tilmaamay.

“Xalka ugu wanagasan ee aan ku wajihi karnay cabashooyinka isa-soo tarayey ee nooga inaamayey Shacabka waxaan u aragnay inaan bedalno hogaanka Garsoorka si is-bedel loogu sameeyo nidaamka Garsoorka,” ayuu ku dooday Wasiir Xasan.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu carabka ku dhuftay inuu si diiran usoo dhaweynayo xilka qaadista Ibraahim Iidle, wuxuuna u rajeeyay mas'uulka cusub ee xilkaas loo magacaabay inuu howsha cusub ee loo magacaabay uga soo baxo sida ugu wanagasan.

Mar wax laga weydiiyay dooda taagan ee ah in Madaxweynaha uusan awood u lahayn xilka qaadista Madaxa Maxkamada sare ee dalka ayuu tilmaamay in hadda uusan shaqeyn qodobka ay ku doodayaan dadka qaar, maadaama uusan jirin Gollaha Adeegga Garsoorka.

Laakiin wuxuu cadeeyay inay hadda socdaa dadaalo la doonayo in lagu soo dhiso Gollaha Adeegga Garsoorka cusub, taasoo uu daboolka ka qaaday inay kamid ahayd waxyaabihii uu Madaxweyne Maxamed Farmaajo ku galay olihiisa doorashada 2017.

“Xitaa hadii la heli waayo Sagaalka xubnood ee Gollaha Adeega Garsoorka, waxaan isku deyi doonaa inaan dhisno Todoba xubnood ee la heli karo, sababtoo ah waxay kamid ahayd waxybaaihii uu Madaxweynuhu balanqaaday doorashadiisii,” ayuu yiri Wasiirka.

Khilaaf dhanka sharciga ah ayaa ka dhashay xilka qaadista Gudoomiyaha Maxkamada sare, taasoo aanan la saadaalin karin halka ay ku dambeyn doonto, wallow Mudane Ibraahim Iidle ku adkeysanayo in uusan xilka wareejin doonin.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hormuud Salaam Foundation oo Xarigga Ka Jartay Laami Muhiim ah oo Ay Ka Dhistay Xaafadda Calanleey ee Kismaayo

Laamigan cusub, oo ay maalgelisay Hormuud Salaam Foundation waxaa hirgelisay shirkadda dhismaha ee Al-Buruuj.

  • Soomaliya

    14-05-2025

  • 06:24PM

Qaxootiga Cadaanka Koonfur Afrika oo soo gaaray Mareykanka

Markii ay soo gaareen garoonka Washington Dulles International Airport ee Virginia…

  • Soomaliya

    13-05-2025

  • 06:59PM