Wasiirka difaaca Soomaaliya: Ma joojin karno dagaal beeleedyada

Image
Hadalkan ayaa imaanaya xilli dowladda ay horey Al-Shabaab ugu eedeysay "isku-dirka" qabiiladda.

MUQDISHO, Soomaaliya - Al-Shabaab ayaa isku-dayaysa in culeyska milatari ee saaran ay isaga dajiyaan "isku-dirka qabiiladda" balse dowladda masoo afjari karo colaad beeleedyadda, sidda uu shaaciyey wasiirka difaaca.

Cabdiqaadir Maxamed Nuur oo la hadlay wargeyska Washington Post ayaa carabka ku adkeeyay in xukuumadda federaalka ay ku dadaalayso sidii ay dhinacyada dagaalamaya ee qabiilada ugu kala dab-qaadi lahayd.

"Ma sheegan karno inaan meesha ka saarayno dagaal beeleedyada," ayuu yiri "Laakin waxaan si joogto ah ula kulannaa iyaga si aan nabadeyno, loogana dhaadhiciyo in ay si wadajir ah ula dagaalamaan Al-Shabaab".

Hadalkan ayaa kusoo beegmaya xilli bishii hore ay degmada Cadale ee gobolka Shabeellaha Dhexe ay ku dagaalameen laba maleyshiyo beeleed kuwaasoo ka baxay furimaha la dagaalanka Al-Shabaab.

Mas'uuliyiin ka tirsan dowladda ayaa xoogaga gacansaarka la leh Al-Qaacida waxay ku eedeeyeen in ay ka shaqeeyeen "hurinta colaadan si ay u helaan fursad ay uga soo kabtaan guuldarada kasoo gaartey furimaha".

Qaar ka mid ah khubarada gobolka Geeska Afrika ayaa horey waxay ka digeen in taageerada dowladda ay siineyso maleeshiyo beeleedyada ay sababi karaan in ay isku-adeegsadaan qabiilada dirirsan.

"Maleyshiyo beeleedyada marka ay ka adkaadaan Al-Shabaab waxay bilaabi karaan in ay fuliyaan qorshahooda, waana sidda dhacdey tobanaan sano kahor," ayuu yiri Paul Williams, oo ah borofisar cilmiga caalamiga ah ka dhiga jaamacadda George Washington.

Hase ahaatee, lataliyaha amniga madaxweynaha Soomaaliya Xuseen Sheekh Cali ayaa ka hadlay walaacaasi, wuxuuna carrabka ku dhuftay in dowladdu aysan siinin maleeshiyaadka hub, rasaas, shidaal iyo raashin.

Ciidamada ayuu xusay in ay raacaan maleeshiyaad, isla markaana ay qaadaan tallaabo kasta oo weerar ah, si loo xaqiijiyo in ciidamada qabaa’ilka ay diirada saaraan Shabaabka, halkii ay ka saari lahaayeen kuwa ka soo horjeeda.

Shantii bilood ee lasoo dhaafay, howlalada ay sida wadajirka ah u fulinayaan ciidamadda iyo dadka degaanka ayaa sababay in la xoreeyo in ka badan 20 degaano oo ay ku jiraan laba magaalo waaweyn balse wali xalka ma dhawa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sheekh Shariif oo dowladda ku eedeeyay inay beegsanayso xafiiskiisa, isla markaana xaddiday dhaqdhaqaaqa gurigiisa

Xafiisku wuxuu sheegay in xubnaha ilaalinta Sheekh Shariif ay muujiyeen is-xakameyn si looga fogaado iska horimaad hubeysan.

  • Soomaliya

    12-10-2026

  • 11:29AM

Xiisadda sii kordheysa ee Itoobiya iyo Eritrea oo dhexdhexaadnimada Soomaaliya imtixaan gelisay

Hadalkan ayaa imanaya kaddib shir madaxeed afar geesood ah oo 4-tii Oktoobar 2026 ka dhacay magaalada Alamein ee dalka Masar.

  • Soomaliya

    12-10-2026

  • 06:21AM