Koonfur Galbeed oo soo afjartey doorashadda Aqalka Sare

Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasiirka difaaca xukuumada xilgaarsiinta, Xasan Xuseen Xaaji, ayaa coddeyn ka dhacdey Baydhabo waxaa loogu doortey xubinimada Aqalka Sare ee baarlamaanka 11aad ee Soomaaliya.

Koonfur Galbeed ayuu Senate-ka ku meteli doono afarta sano ee soo aadan isaga 74 cod kaga adkaadey Cabdiraxaman Maxamed Cabdullahi kaasoo heley 14 cod, sida uu shaaciyey guddoonka.

Xasan ayaa xukuumaddii Xasan Cali Khayre oo haatan u sharaxan xilka madaxweynaha Soomaaliya wuxuu ka ahaa wasiirka cadaaladda, waxanaa gaashaandhiga u soo wareejiyey ra'iisul wasaare Rooble.

Dhanka kale, Cali Sheikh Maxamuud Gacal ayaa wuxuu ku guuleystay kursiga todobaad isaga oo 68 cod ka adkaadey Cabdikadir Cali Axmed kaasoo ay u coddeeyeen 22 mudane oo ka tirsan golaha wakiiladda.

Geesta kale, Cabdiwali Maxamed Ibraahim Xaabsade oo la dhashay wasiirka haweenka xukuumada xilgaarsiinta Xaniifa ayaa Baydhabo loogu doortey kursi Senator oo Koonfur Galbeed uu ku metelayo baarlamaanka 11aad. Cabdullahi Roobow Maxamed ayuu kaga adkaadey 68-18.

Koonfur Galbeed ayaa Senate-ka Soomaaliya waxay ku leedahay 8 xubnood sida maamulada kale ee Jubaland, Galmudug iyo HirShabelle. Kaliya Puntland iyo Somaliland ayaa golahan ku leh min 11 kursi.

Sida uu xeerinayo dastuurka ku meelgaarka ah ee Soomaaliya oo ah kan ugu badan ee maalgelinta lagu sameeyay, Aqalka Sare ayaa metela danaha dowlad goboleedyadda xubnaha ka ah dowladda federaalka.

Doorashadda Aqalka Sare ayaa qorshuhu ahaa in ay bilaabato 25-ka July, 2021, balse waxaa dib-u-dhaca ku keenay khilaafaad kasoo shaac-baxay qadiyadda kuraasta goboladda waqooyi oo wali aan xal loo helin.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Jubbaland iyo Danab oo Ku Dhow Inay Jamaame Kala wareegaan Al-Shabaab

Dadka deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta in qaar badan oo ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab ay dib ugu gurteen dhinaca Jilib.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 11:38AM

Gollaha Wasiirrada Soomaaliya oo Ansixiyay Heshiisyo iyo Shuruuc Muhiim ah

Xildhibaanadu waxay kaloo oggolaadeen Axdiga Ururka Caalamiga ah ee Dayax-gacmeedka Guur-guura.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 10:23AM