Koonfur Galbeed oo soo afjartey doorashadda Aqalka Sare

Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasiirka difaaca xukuumada xilgaarsiinta, Xasan Xuseen Xaaji, ayaa coddeyn ka dhacdey Baydhabo waxaa loogu doortey xubinimada Aqalka Sare ee baarlamaanka 11aad ee Soomaaliya.

Koonfur Galbeed ayuu Senate-ka ku meteli doono afarta sano ee soo aadan isaga 74 cod kaga adkaadey Cabdiraxaman Maxamed Cabdullahi kaasoo heley 14 cod, sida uu shaaciyey guddoonka.

Xasan ayaa xukuumaddii Xasan Cali Khayre oo haatan u sharaxan xilka madaxweynaha Soomaaliya wuxuu ka ahaa wasiirka cadaaladda, waxanaa gaashaandhiga u soo wareejiyey ra'iisul wasaare Rooble.

Dhanka kale, Cali Sheikh Maxamuud Gacal ayaa wuxuu ku guuleystay kursiga todobaad isaga oo 68 cod ka adkaadey Cabdikadir Cali Axmed kaasoo ay u coddeeyeen 22 mudane oo ka tirsan golaha wakiiladda.

Geesta kale, Cabdiwali Maxamed Ibraahim Xaabsade oo la dhashay wasiirka haweenka xukuumada xilgaarsiinta Xaniifa ayaa Baydhabo loogu doortey kursi Senator oo Koonfur Galbeed uu ku metelayo baarlamaanka 11aad. Cabdullahi Roobow Maxamed ayuu kaga adkaadey 68-18.

Koonfur Galbeed ayaa Senate-ka Soomaaliya waxay ku leedahay 8 xubnood sida maamulada kale ee Jubaland, Galmudug iyo HirShabelle. Kaliya Puntland iyo Somaliland ayaa golahan ku leh min 11 kursi.

Sida uu xeerinayo dastuurka ku meelgaarka ah ee Soomaaliya oo ah kan ugu badan ee maalgelinta lagu sameeyay, Aqalka Sare ayaa metela danaha dowlad goboleedyadda xubnaha ka ah dowladda federaalka.

Doorashadda Aqalka Sare ayaa qorshuhu ahaa in ay bilaabato 25-ka July, 2021, balse waxaa dib-u-dhaca ku keenay khilaafaad kasoo shaac-baxay qadiyadda kuraasta goboladda waqooyi oo wali aan xal loo helin.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mucaaradka Soomaaliya oo diiday jadwalka doorashooyinka 2027, kuna tilmaamay hannaan hal dhinac ah

Sida ku cad jadwalka uu guddigu shaaciyay, doorashooyinka labada aqal ee baarlamaanka federaalka ayaa la qaban doonaa 15-ka Abriil 2027.

  • Soomaliya

    15-10-2026

  • 12:20PM

Villa Somalia oo shaacinaysa jadwalka doorashada federaalka ee 2027, iyadoo aan heshiis siyaasadeed laga gaarin

Sida ay wararku sheegayaan, jadwalka la diyaariyay ayaa dhigaya in doorashada federaalka lagu qabto muddo 180 maalmood ah.

  • Soomaliya

    14-10-2026

  • 02:17PM