Wasiirka Isgaarsiinta DFS oo sheegey waqtiga dib loo helayo adeega Internet Fiber Optic

Image

MUQDISHU, Somalia- Wasiirka Isgaarsiinta Dowlada Federaalka Somalia Cabdi Cashuur ayaa  sheegey in Markabkii ka shaqeyn lahaa ciladii ku yimid Internet-ka fiber Optic uu maalintii Talaadada soo gaarey halka filada kasoo leexato.

"Marka kii ciladbixin lahaa  Internet Fiber Optica waxa uu soo gaarey duleedka Muqdishu maalintii Talaadada waxana la filayaa in maalinta Jimacaha uu ku soo dhowaado dekada Muqdishu" sidaas waxaa yiri wasiirka oo ka hadlayey ciladbixinta Internet.

Cabdi Cashuur aya sheegey in la filayo in maalinta Axada dib u soo noqdo adeegii Internetka isagoo sheegey in ciladu kaga jirto meel aan ka fogeyn xarunta Xalane.

Dhinaca kale Wasiirka Isgaarsiinta dowlada Federaalka Somalia ayaa beeniyey warar sheegaya in adeega Internet loo goostey deyman lagu yeeshey shirkadaha Isgaarsiinta.

GAROWEONLINE 

Related Articles

Masar oo Bilawday Qorshe Ay Cadaadis Milatari Ku Saarayso Itoobiya

Ka dib markii uu dhacay khilaafkii u dhexeeyay Soomaaliya iyo Itoobiya ee la xiriiray heshiiskii Itoobiya la gashay Somaliland.

  • Soomaliya

    26-08-2025

  • 11:58AM

Villa Somalia oo Heshiis la gashay xubno kasoo goostay Madashii Saamatabixinta

Si kastaba, heshiiskan ayaa horseeday kala qaybsanaan muuqata oo ka dhex dhacday Madasha Samatabixinta.

  • Soomaliya

    25-08-2025

  • 12:55PM