Wasiirka warfaafinta DF Somalia oo ka hadlay falkii Bariire

Image

Eng Yariisow Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya, wuxuu ku qoray bartiisa bulshada "Dowlada Federaalka ayaa wada baaris dhab ah ee la xiriira falkii Bariire ka dhacay oo shacabka la wadaagi doonta macluumaadka dhabta ah"

Ugu yaraan 10 ruux oo shacab ah ayaa lagu dilay weerar ay Ciidamada dowladda Federaalka Somalia iyo kuwa Mareykanka ay ka fuliyeen saaka oo Jimco ah deegaan ku yaalla gobolka Shabeellaha hoose.

Cali Nuur Maxamed, Gudoomiye Kuxigeenka maamulka gobolka Shabellaha Hhose ee dhinaca Amniga, ayaa Warsidaha Garowe Online u xaqiijiyay in weerarka, kaasi oo ka dhacay Beer ku taalla deegaanka Bariire, oo qiyaastii 40KM dhanka galbeed uga beegan Muqdishu. Wuxuu Cali sidoo kale u sheegay GO in Ciidamada Mareykanka ay beertaasi ku dhex dileen 10 nin oo waardiye ka ahaa Beerta, kadibna ay horey u sii kaxeysteen tiro kale, oo ay ku qaateen Diyaaradaha Helicopters-ka.

Faahfaahin warkaan Halkaan Ka Akhri 

GAROWEONLINE 

Related Articles

Villa Somalia oo Heshiis la gashay xubno kasoo goostay Madashii Saamatabixinta

Si kastaba, heshiiskan ayaa horseeday kala qaybsanaan muuqata oo ka dhex dhacday Madasha Samatabixinta.

  • Soomaliya

    25-08-2025

  • 12:55PM

Bangiga Maalgashiga Yurub oo tixgelinaya inuu amaah siiyo Soomaaliya xilli xiisado jiraan

Go’aankan ayaa soo baxay wax ka yar laba sano kadib markii Soomaaliya laga cafiyay…

  • Soomaliya

    24-08-2025

  • 09:54PM