Wasiirkii hore ee difaaca Soomaaliya oo "la xiray"

Image
Cabdirashiid Cabdullaahi Maxamed oo lagala baxay hotel uu daganaa ayaa saacado kadib lasoo daayey.

BAYDHABO, Koonfur Galbeed – Wasiirkii hore ee gaashaandhiga dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, Cabdirashiid Cabdullaahi Maxamed, ayaa xalay lagala baxay Hotel Horyaal ee caasimada ku meelgaarka Koonfur Galbeed Baydhabo.

Ma cadda sababta dhabta ah ee keentay dhacdadan. Sidoo kale, dowlad goboleedkan uu hogaamiyo Cabdicasiis Laftagareen wali fahfaahin kama bixin falkan.

Cabdirashiid ayaa dib u helay xorriyadiisa kadib markii saacado kooban uu ka maqnaa hoteelkan. Isku-dayo xiriir oo lala sameeyay ayaanan guuleysan. Illaa haatan, ma jirto meel uu si furan ugal hadlay xariga lagu sameyay.

Dhacdadan ayaa kusoo aaday xilli Baydhabo ay ka soconeyso doorashadda xulista xubnaha Golaha Shacabka. Cabdirashiid wuxuu kamid yahay mucaaradka ugu weyn ee maamulka daacada u ah taliska Farmaajo ee Laftagareen.

Dhanka kale, isla xalay Maxamed Abuukar oo kamid ah wasiiradda Koonfur Galbeed ayaa ka badbaadey bac-gacmeed lagu weeraray hoygiisa magaalada Baydhabo. Ma jirto koox wali sheegatay. Illaa haatan, lama shaacin khasaaraha.

Geesta kale, isla xalay, waxaa dabley ay dishay madaxii xaafadda  Daaru Salaam ee magaalada Baydhabo. Gacan-ku-dhiigleyaasha ayaana ka baxsadey goobta ay wax ka dhaceen, sida ay xaqiijiyeen goobjoogeyaal kala duwan.

Dagaalameyaasha Al-Shabaab ayaa inta badan falalka noocaan ah ka geysta magaalooyinka waaweyn ee dalka. Xoogaga gacansaarka la leh Al-Qaacida waxay horey ugu hanjabeen in ay carqaladeyn doonan amniga doorashooyinka dalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Soomaaliya oo ka walaacsan firaaq amni kadib go'aanka Mareykanka

Mareykanka ayaa sheegay in wixii ka dambeeyay December 2026 jarayo lacagtii uu ku bixin jiray howlgalka AUSSOM ee Soomaaliya.

  • Soomaliya

    15-07-2026

  • 11:38AM

Madaxweyne Xasan Sheekh oo tacsi ugu tegay Amiirka Qatar geerida Amiirkii hore

Kulanka waxaa sidoo kale goob joog ka ahaa Ku-xigeenka Amiirka Qatar, Sheekh Cabdulla bin Xamad Aal Thaani.

  • Soomaliya

    15-07-2026

  • 05:13AM