Wasiiro hore oo laga dalbadey iney gawaari celiyaan

Image

MUQDISHO, Somaaliya - Hanti dhowrka Guud ee Qaranka ayaa soo saaray qoraal looga dalbanayo gaadiid ka maqan hey'addaha dowladda oo ay horay u qaateen Wasiiro xilal hayay iyo xubno kale.

Liiska la soo saaray ee Wasiirada gaadiidka ku maqan ayaa waxaa ka mid ah Wasiirkii hore Arrimaha Dibadda, Wasiirkii hore Arrimaha Gudaha, Wasiirkii hore Diinta iyo Awqaafta, Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow iyo Senatar Ayuub Ismaaciil oo gaari ka diiwaan gishan Wasaaradda Maaliyadda ku maqan iyo xubno kale.

Gadiidka ay la tageen mas'uuliyiinta dowlada Federaalka xilalka horey uga qabtey ayaan inta badan dib u soo celin gaadiid ay horey u qaateen.

Talaabada gadiidka looga celinayo Wasiirkii hore ee arimaha dibada ayaa xubno ku dhow Villa Somalia waxay u sheegeen waqtiga amarkaan ku soo beegmey ineysan ka fogeyn arimo siyaasadeed.

Halkaan ka eeg amarka Hantidowrka: https://bit.ly/3qQ2cvv

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Jubaland oo ka digtay hubanti la’aan siyaasadeed iyo faragelin shisheeye

Ugu dambeyn, Jubaland waxay ugu baaqday madaxda siyaasadda dalka in ay mudnaanta siiyaan ilaalinta midnimada iyo xasilloonida.

  • Soomaliya

    23-04-2026

  • 04:43PM

Puntland oo xoojisay la dagaallanka kalluumaysiga sharci-darrada ah

Soomaaliya ayaa lagu qiyaasaa inay sanadkii ku lumiso ku dhowaad 300 milyan oo doollar kalluumaysiga sharci-darrada ah.

  • Soomaliya

    23-04-2026

  • 12:13PM