Wasiirkii Wershedaha Somaliland oo is casiley

Image

March 3, 2015 (GO)- Wasiirkii Warshadaha Somaliland Abiib Diiriye Nuur  ayaa shegay inuu xilkaas iska casiley.

Waa mas'uulkii afraad ee is-casila kaddib isku-shaandheyn Feb 28, 2015 Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ku sameeyey golaha wasiirrada, taliska ciidamada iyo qaar kamid ah agaasimeyaasha hay'adda dowladda hoos taga.

Abiib oo la weydiiyey sababta uu xilka loo soo magacaabey isaga cisiley wuxuu sheegay inuu saluugey qaabka wax u socdaan iyo weliba habka isku-shaandheyntu u dhacdey.

Wuxuu sidoo kale xusey in isku-shaandheyntu ahayn mid si miisaaman looga shaqeeyey islamarkaana u daneynaysa dadka iyo dowladda Somaliland, waa sida uu hadalka u dhigaye.

"markaan arkay jewigu sida uu yahay iyo nidaam darrada jirta iyo in wax walba si khaldan u socdaan ayaan go'aankan gaarey" ayuu yiri.

Horay waxaa isu casiley Wasiirkii Maaliyadda, Agaasimihii Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo la-taliyihii Madaxweyne Siilaanyo ee arrimaha dadka la hayb sooco.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mucaaradka oo ku dhawaaqay bannaanbaxyo toddobaadle ah ilaa Xasan Sheekh ka baxayo Villa Somalia

Dowladda federaalka ayaa si adag u diidday sheegashada mucaaradka ee ah in muddo xileedka madaxweynaha uu dhammaaday.

  • Soomaliya

    20-05-2026

  • 07:47AM

Hal sabab oo loo qaban waayay doorashadda gudoonka Baarlamaanka Koonfur Galbeed

Arrimahan ayaa ku soo beegmaya xilli siyaasiyiinta mucaaradka ee deegaanada Koonfur Galbeed ay si adag u gacan-seyreen natiijadii hordhaca ahayd.

  • Soomaliya

    19-05-2026

  • 12:29PM