​Wasiiro maanta hortagaya Baarlamaanka Somaaliya

Image

MUQDISHO, Somaaliya - Saddex Wasiir oo katirsan Xukuumadda Ra'iisul Wasaare Xasan Cali Khayre, ayaa la filayaa in Maanta oo Sabti ah ay hortagaan Xildhibaanadda Gollaha Shacabka Somaaliya.

Wasiirada Caafimaadka, Cadaaladda, iyo Warfaafinta, ayaa Xildhibaanada u akhrin doono Hindise sharciyeedyo Wasaaradahooda soo gudbisay, oo ay soo ansixisay Xukuumadda Federaalka Somaaliya.

Wasiirka Caafimaadka Somaaliya Drs Foosiyo Abiikar Nuur ayaa Xildhibaanada ka hor jeedin doonto Hindise sharciyeedka Caafimaadka Dalka.

Wasiirka Wasaarada Cadaaladda, Xasan Xuseen Xaaji ayaa Xildhibaanada ka hor jeedin doono Hindise Sharciyeedka la dagaalanka Musuq-maasuqa, halka Wasiirka Warfaafinta Eng Cabdiraxmaan Yariisow Xildhibaanada u sharxi doono wax ka badal lagu sameeyay Xeerka Saxaafadda.

Xeerka Saxaafadda ayaa in mudo ah waxaa ka taagan muran badan, iyadoo lagu eedeeyay Wasiirka Warfaafinta inuusan la tashi badan kala sameyn Suxufiyiinta qodobada wax ka bedel u baahan.

Xildhibaannada ayaa akhrinta kadib, Su'aallo waydiin doono Saddexda Wasiir.

GAROWEONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh iyo Beesha Hawadle oo heshiis ka gaaray musharraxa Madaxweynaha Hirshabeelle

Habkan awood-qaybsiga ayaa saldhig u ahaa siyaasadda Hirshabeelle tan iyo markii la dhisay dowlad-goboleedka.

  • Soomaliya

    05-08-2026

  • 08:33AM

Xasan Sheekh oo Beesha Caalamka kala hadlay khilaafka doorashooyinka Soomaaliya

Dhanka kale, mucaaradka ayaa ku baaqaya in marka hore la gaaro is-afgarad siyaasadeed oo loo dhan yahay.

  • Soomaliya

    04-08-2026

  • 11:45AM