Wasiirrada Somalia oo la dhaariyay

Image
Image
Image

MUQDISHU, Somalia- Waxaa xarunta golaha Barlamanka Federaalka Somalia ee magaalada Muqdishu lagu dhaariyay golaha wasiirrada dalka, kuwaasoo wax yar uun ka hor helay kalsoonida golaha shacabka.

Gudoomiyaha Maxkmada Sare ee dalka Somalia, ayaa dhaariyay xubnaha wasiirrada.

Madasha Dhaarinta waxaa joogay Ra’isal wasaare Xasan Cali Khayre oo khudbad uu jeediyay maanta kahor intaan la ansixin wasiirrada ku sheegay inay diyaar u yihiin u adeegista shacabka iyo wax ka qabashada xaaladda adag ee lagu jiro.

Gudoomiye ku Xigeenka Baarlamaanka Soomaaliya Cabdiwali Shiikh ibraahim Muudey, ayaa golaha xukuumadda kula dar-daarmay inay kasoo baxaan waajibaadka qaran ee loo dhiibay.

Wuxuu ugu hambalyeeyay kalsoonida ay ka heleen Xildhibaanada Somalia.

Muudey ayaa intaas ku daray in wasiirrada looga fadhiyo sidii ay uga soo bixi lahaayeen ballan qaadka Ra’isal wasaare Khayre.

Dhaarinta xukuumadda cusub ayaa kusoo aadaysa xilli dadweynuhu aad u hadal hayeen in Barlamanku aqbali doonaan xukuumaddan maadama qoraal ay ku saxiixanyihiin in kabadan 100 mudane loo gudbiyay Madaxweynaha iyo Ra’isal wasaaraha.

GAROWEONLINE

Related Articles

Aadan Madoobe oo digniin culus u diray ciidamada Lafta-Gareen ee ku sugan duleedka Baydhaba

Wuxuu sheegay in shacabka Maamulka Koonfur Galbeed ay mudan yihiin nabad, xasillooni iyo nolol ammaan ah.

  • Soomaliya

    22-08-2026

  • 08:49PM

Museveni oo Xasan Sheekh ku cadaadinaya heshiis siyaasadeed lala gaaro mucaaradka Soomaaliya

Howlgalka ayaa wajahaya caqabado dhaqaale, iyadoo Mareykanku qorsheynayo inuu joojiyo maalgelinta AUSSOM bisha December 2026.

  • Soomaliya

    22-08-2026

  • 07:41AM