Wasiirrada Somalia oo sugaya codka Kalsoonida Barlamanka

Image

MUQDISHU, Somalia - Ra'iisul wasaaraha Somalia, Xasan Cali Kheyre ayaa golahiisa wasiirrada horgeeyay fadhi Barlamanka dalka ay ku leeyihiin magaalada Muqdishu.

Mr Kheyre ayaa khudbad ku saabsan Xukuumadda iyo Barnaamijka ay ku shaqeyn doonto waxa uu kahor jeedin doonaa Xildhibaanada, isagoo ka codsan doono inay ansixiyaan.

Tallaabadan ayaa Khayre ku dhaqaaqay xilli ay jiraan mudanayaal diidanaa qaabka lagusoo xulay wasiirrada.

Dadaallo dheer oo loo galay in lagu xalliyo kala aragti duwanaanta ka timid howshan ayaa guul-darraysatay goor sii horaysay.

Balse, Madaxda dalka ayaa rajo ka qabta inuu hir-galo qorshahooda, waloow aan la ogayn inay meel-marin doonaan Xildhibaanadan golaha iyo in kale.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ka codsaday mudanayaasha golaha shacabka ina ogolaadaan wasiirradan, maadaama lagu soo doortay waxqabad iyo karti, uu ku kalsoon yahay inay samatabixin karaan dalka iyo dadka.

Madaxweynaha ayaa soo jeediyay in lala xisaabtamo xukuumadda markii ay wax qaban waayaan, wixii intaasi ka horeeyana laga daayo mucaaradnimada iyo is-hortaagga, si dowladda cusub u hano qaado.

GAROWEONLINE

Related Articles

Aadan Madoobe oo digniin culus u diray ciidamada Lafta-Gareen ee ku sugan duleedka Baydhaba

Wuxuu sheegay in shacabka Maamulka Koonfur Galbeed ay mudan yihiin nabad, xasillooni iyo nolol ammaan ah.

  • Soomaliya

    22-08-2026

  • 08:49PM

Museveni oo Xasan Sheekh ku cadaadinaya heshiis siyaasadeed lala gaaro mucaaradka Soomaaliya

Howlgalka ayaa wajahaya caqabado dhaqaale, iyadoo Mareykanku qorsheynayo inuu joojiyo maalgelinta AUSSOM bisha December 2026.

  • Soomaliya

    22-08-2026

  • 07:41AM