Wasiirrada Somalia oo sugaya codka Kalsoonida Barlamanka

Image

MUQDISHU, Somalia - Ra'iisul wasaaraha Somalia, Xasan Cali Kheyre ayaa golahiisa wasiirrada horgeeyay fadhi Barlamanka dalka ay ku leeyihiin magaalada Muqdishu.

Mr Kheyre ayaa khudbad ku saabsan Xukuumadda iyo Barnaamijka ay ku shaqeyn doonto waxa uu kahor jeedin doonaa Xildhibaanada, isagoo ka codsan doono inay ansixiyaan.

Tallaabadan ayaa Khayre ku dhaqaaqay xilli ay jiraan mudanayaal diidanaa qaabka lagusoo xulay wasiirrada.

Dadaallo dheer oo loo galay in lagu xalliyo kala aragti duwanaanta ka timid howshan ayaa guul-darraysatay goor sii horaysay.

Balse, Madaxda dalka ayaa rajo ka qabta inuu hir-galo qorshahooda, waloow aan la ogayn inay meel-marin doonaan Xildhibaanadan golaha iyo in kale.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ka codsaday mudanayaasha golaha shacabka ina ogolaadaan wasiirradan, maadaama lagu soo doortay waxqabad iyo karti, uu ku kalsoon yahay inay samatabixin karaan dalka iyo dadka.

Madaxweynaha ayaa soo jeediyay in lala xisaabtamo xukuumadda markii ay wax qaban waayaan, wixii intaasi ka horeeyana laga daayo mucaaradnimada iyo is-hortaagga, si dowladda cusub u hano qaado.

GAROWEONLINE

Related Articles

Qaramada Midoobay oo soo afjartay howlgalkeedii siyaasadeed ee Soomaaliya

Zenenga ayaa xusay in Soomaaliya ay horumar la taaban karo ka sameysay dhismaha hay’adaha dowladda, nidaamka federaalka.

  • Soomaliya

    31-10-2026

  • 12:13PM

Aadan Madoobe oo Itoobiya kala hadlay amniga Baydhabo iyo ka hortagga weerarrada Lafta-gareen

Itoobiya ayaa ciidamo ku leh Soomaaliya, gaar ahaan deegaanno ka tirsan Koonfur Galbeed, iyadoo qayb ka ah dadaallada amniga ee dalka.

  • Soomaliya

    31-10-2026

  • 05:27AM