Wasiirro cusub oo maanta lagu dhaariyay Muqdisho [SAWIRRO]

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Waxaa maanta xarunta lagu dhaariyay Villa Hargeysa, oo hadda si KMG ah ugu shaqeynayo Gollaha Shacabka Wasiirro cusub oo dhawaan uu magacaabey Ra'iisul Wasaare Xasan Cali Khayre.

Gudoomiyaha Maxkamadda Sare Ibraahim Iidle Suleymaan ayaa dhaariyay Wasiiradda, iyadoo munaasabadda ay goobjoog ahaayeen gudoomiye ku xigeenada 1aad iyo 2aad ee Gollaha Shacabka iyo Ra'iisul Wasaare ku xigeenka Mahdi Maxamed Guuleed.

24-kii Bishan ayaa Ra’iisul wasaare Khayre magacaabay 13 xubnood oo isugu jira Wasiirro, Wasiir ku xigeenno iyo Wasiiru Dowliyaal, kuwaas oo buuxiyay boosas ay iska-casileen xubno siyaabo kala duwan shaqada uga tagey.

12 kamid ah 13-kan wasiir ayaa ah Xildhibaanno katirsan Gollaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya, kuwaasi oo lagu tiriyo dadka ku dhaw Ra'iisul Wasaaraha, islamarkaana ka qeybgalay halgankii lagu riday Gudoomiye Jawaari.

Magacaabistooda ayaa kusoo beegmaysa xilli ay soo baxayaan warar sheegaya in Xildhibaanada Gollaha Shacabka loo qeybinayo lacag gaaraysa $5,000 [Shan Kun oo Dollar] oo la siinaya Xildhibaan kasta, taasi oo aan ahayn mushaar ama gunno. [Halkan ka akhri Warka].

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo Beesha Caalamka kala hadlay khilaafka doorashooyinka Soomaaliya

Dhanka kale, mucaaradka ayaa ku baaqaya in marka hore la gaaro is-afgarad siyaasadeed oo loo dhan yahay.

  • Soomaliya

    04-08-2026

  • 11:45AM

Xisbiga Towfiiq oo diiday natiijada doorashada Galmudug, kuna eedeeyay guddiga doorashada eex

Guddiga Doorashooyinka ayaan weli si rasmi ah uga jawaabin eedeymaha Towfiiq ama shaacin in dib loo eegayo natiijooyinka la soo saaray.

  • Soomaliya

    04-08-2026

  • 08:23AM