Waxgaradka Jowhar oo eedeeyay dowladda Federalka Somalia
JOWHAR, Somalia- Waxa maagalada Jowhar xarunta gobolka Shabeellaha dhexe kasocda dadaallo lagu doonayo in dib loo billaabo shirkii fashilmay ee lagu dhisi lahaa maamul ay ku midoobaan gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha dhex kaasoo qorshahiisa la billaabay sannadkan horraantiisii.
Wasaaradda Arrimaha Gudaha dowladda Federalka Somalia ayaa sheegtay in dib loo furi doono shirka labada maamul iyadoo magaalada la keenay ciidamo Booliis ah kuwaasoo ka qayb qaadanay sugidda ammaanka mudada shirku socdo.
Warbaahinta Radio Garowe ayaa isku taxallujisay inay wax ka ogaato sida ay wax u socdaan iyo qaban qaabadu halka ay marayso, iyadoo la xiriirtay Muuse Sheekh Cusmaan oo kamid ah waxgaradka iyo qaban qaabiyaasha shirka wuxuuna sheegay inay socdaal dadaallo aan cago badan ku taagnayn.
Muuse ayaa dhaliilay qaabka loo maray dhismaha maamulka labada gobol isagoo eedda ugu badan dusha ka saaray dowladda Federalka gaar ahaan wasaaradda Arrimaha Gudaha, wuxuuna sheegay hadii faraha looga qaado waxgaradka labada dhinac inay dhisan karaan maamulkooda.
Cabashada waxgaradka Hiiraan iyo doonistood ah inay maamul gooni ah samaystaan ayaa wax laga weydiiyay isagoo tilmaamay inay yihiin gobol jaar la ah islamarkaana aysan kasoo horjeedin dantooda balse ay jecelyihiin inay wax la samaystaan.
Wuxuu sheegay in amniga magaalada Jowhar aad loo adkeeyay isagoo intaasi ku daray inaysan suuro gali karin maamul lagu dhiso waqti kooban wuxuuna soo caddeeyay inay u dib dhigan karaan doorashada kadib.
Arrintan ayaa imaanaysa xilli madaxda dowaldda Federalka Somalia doonayaan inay dhisaan maamulka doorashada kahor balse waxaa hortaagan caqabado ay xitaa guul ka gaari weyday urur goboleedka IGAD.
GAROWEONLINE