Weerar cirka ah oo lagu dilay 8 ka tirsan ururka Al-Shabaab

Image

22 November, 2015(GO)-Diyaarad aan la aqoon cidda iska lahayd ayaa xalay weerar cirka ah ka gaysatay meel u dhaw tuulo lagu magacaabo Baladul Amiin ee gobolka shabeellaha hoose.

Weerarka oo lala beegsaday saldhig xarakada Al-Shabaab ku lahaayeen halkaasi ayaa lagu dilay 8 sarkaal oo ka tirsan kooxdaasi.

Dad gooob joogayaal ah oo ka agdhawaan goobta falkaasi ka dhacay ayaa warbaahinta u sheegay inay diyaaradda weerarka qaaday saldhigga la beegsatay saddex gantaal

Shakhsiyaadka dhintay ayaa la sheegay inay ku jiraan mas’uuliyiin ururka Alshabaab u qaabilsanaa deegaannada ku xeeran degmada ee arrimaha maleeshiyada iyo dacwada.

Maaha markii ugu horaysay weerar dhanka cirka ah lagu dilo xubno sar sare oo ka tirsan ururka Al-Shabaab ee ka dagallamada dalka Somalia.

GAROWEONLINE

Related Articles

Dagaal ka dhacay Gobolka Gedo oo ku loolamayaan DFS iyo Jubaland

Saraakiisha ayaa sidoo kale sheegay in weerarka Birta Dheer uu ka mid yahay howlgallo ballaaran oo laga wado gobolka Gedo.

  • Soomaliya

    23-08-2025

  • 07:43AM

Qarax ka dhacay duleedka magaaladda Muqdisho

Wararka deegaanka ayaa sheegaya in odayaasha ay wadeen baaritaan ku saabsan dhul markii ay miinadu qaraxday.

  • Soomaliya

    21-08-2025

  • 01:11PM