Weerar culus oo ka dhacay gobolka Baay iyo Wararkii ugu dambeeyay

Image

BAYDHABO, Soomaaliya - Weerar culus oo sababay khasaaro isagu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhacay duleedka magaalada Baydhabo, ee xarunta gobolka Baay.

Saraakiisha amniga gobolka Baay ayaa sheegay in weerarka uu ka dhacay saaka wadada xiriirisa Baydhabo iyo Deynuunay kaidb markii dagaalyahano katirsan Al-Shabaab ay jidka u galeen Kolonyo Ciidan oo kusii jeeday deegaanka Deynuunay.

Inta la xaqiijiyay lix qof oo kala ah saddex Al Shabaab ah iyo 3 Askari oo Militeriga dowladda Soomaaliya katirsanaa ayaa ku geeriyootay Iska hor-imaad labada dhinac dhexmaray kaasi oo daba socday weerarka gaadmada ah.

Maxamed Aadan Cali, oo ah Sarkaal katirsan Militeriga ka howlgala gobolka ayaa sheegay in ay iska caabiyeen Al Shabaab, islamarkaana ay gaadiidkii Kolonyada gaareen halkii ay kusii jeedeen oo ahayd Deynuunay, oo gobolka Baay katirsan.

"Al-Shabaab waxay isku dayday inay weerar gaadmo ah kusoo qaado Kolonyada Ciidanka, balse waxay la kulmeen iska-caabin xoog leh, waxaana laga dilay 3 xubnood, iyadoo meesha uga carareen meydadkooda," ayuu yiri Korneel Maxamed.

Dagaal culus oo socday ku dhawaad hal saac ayaa labada dhinac ku dhexmaray halka lagu weeraray Ciidamada dowladda Federaalka, kuwaasi oo sahay u waday saldhigooda ay ku leeyihiin Deynuuney.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dibadbax rabshado wata oo ka dhacay magaaladda Burco

Dadka mudaharaadka dhigayay ayaa sheegay in haddii maxaabiista la sii daynayo maxaabiista SSC-Khaatumo.

  • Soomaliya

    15-05-2025

  • 05:13PM

Jubbaland: Soomaaliya waxay wajahaysaa khatar kali-talisnimo iyo burbur ku yimaada federaalka 

Doorashooyinka la qorsheeyay ayaa dalka ka saari lahaa nidaamka beelaha kuna bedeli lahaa cod-bixin guud.

  • Soomaliya

    15-05-2025

  • 02:21PM