Weerar culus oo lagu qaadey Saldhigga AMISOM ee Buula-Mareer

Image

BUULA MAREER, Soomaaliya - Weerar culus ayaa lagu qaadey saldhigga Ciidamada Midowga Africa ee AMISOM ku leeyihiin deegaanka Buula Mareer, ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Weerarka ayaa lagu soo waramayaa inuu ku billowday qarax gaari, kaasi oo lagu dhuftay afaafka saldhigga, kaasi oo xigay dagaal toos ah oo dagaalyahanada katirsan Al Shabaab ku qaadeen Askarta halkaasi ku sugnayd.

Dadka deegaanka qaar oo la hadlay Warsidaha Garowe Online ayaa sheegay inay maqlayeen jugta qarax culus iyo rasaas xooggan oo daba socotay oo ka socota xerada Ciidamada AMISOM.

Ciidamo ka socda dalka Uganda ayaa ku sugan saldhigga la weeraray, waxaana wararkii ugu dambeeyay ay sheegayaan in ay iska caabiyeen weerarka, inkastoo aan wali la ogeyn khasaaraha labada dhinaca soo kala gaarey.

Weerarkan ayaa ku soo beegmaya saacado kadib markii Al Shabaab la wareegtay dagaal la'aan deegaanka Cali Fool Dheere, oo 12KM dhanka waqooyi uga beegan degmada Mahadaay ee gobolka Shabeellaha Dhexe. Halkan ka akhri.

Wixii kusoo kordha weerarka kala soco wararkeena dambe.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo Beesha Caalamka kala hadlay khilaafka doorashooyinka Soomaaliya

Dhanka kale, mucaaradka ayaa ku baaqaya in marka hore la gaaro is-afgarad siyaasadeed oo loo dhan yahay.

  • Soomaliya

    04-08-2026

  • 11:45AM

Xisbiga Towfiiq oo diiday natiijada doorashada Galmudug, kuna eedeeyay guddiga doorashada eex

Guddiga Doorashooyinka ayaan weli si rasmi ah uga jawaabin eedeymaha Towfiiq ama shaacin in dib loo eegayo natiijooyinka la soo saaray.

  • Soomaliya

    04-08-2026

  • 08:23AM