Weerar culus oo lagu qaadey Saldhigga AMISOM ee Buula-Mareer

Image

BUULA MAREER, Soomaaliya - Weerar culus ayaa lagu qaadey saldhigga Ciidamada Midowga Africa ee AMISOM ku leeyihiin deegaanka Buula Mareer, ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Weerarka ayaa lagu soo waramayaa inuu ku billowday qarax gaari, kaasi oo lagu dhuftay afaafka saldhigga, kaasi oo xigay dagaal toos ah oo dagaalyahanada katirsan Al Shabaab ku qaadeen Askarta halkaasi ku sugnayd.

Dadka deegaanka qaar oo la hadlay Warsidaha Garowe Online ayaa sheegay inay maqlayeen jugta qarax culus iyo rasaas xooggan oo daba socotay oo ka socota xerada Ciidamada AMISOM.

Ciidamo ka socda dalka Uganda ayaa ku sugan saldhigga la weeraray, waxaana wararkii ugu dambeeyay ay sheegayaan in ay iska caabiyeen weerarka, inkastoo aan wali la ogeyn khasaaraha labada dhinaca soo kala gaarey.

Weerarkan ayaa ku soo beegmaya saacado kadib markii Al Shabaab la wareegtay dagaal la'aan deegaanka Cali Fool Dheere, oo 12KM dhanka waqooyi uga beegan degmada Mahadaay ee gobolka Shabeellaha Dhexe. Halkan ka akhri.

Wixii kusoo kordha weerarka kala soco wararkeena dambe.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Jabuuti kordhinaysa Ciidanka ka jooga gobolka Hiiraan xili Al-Shabaab 2 degmo lawareegtay

Al-Shabaab ayaa dhawaan la wareegtay Moqokori iyo Maxaas oo Hiiraan katirsan, halkaasoo ay Ciidamada Jabuuti ka howlgalaan.

  • Soomaliya

    31-07-2025

  • 05:43AM

Sidee Ciidanka Taageersan Dowladda Federaalka Ula Wareegeen Gacan Ku Haynta Beled-Xaawo?

Ilo lagu kalsoon yahay oo la hadlay Garowe Online ayaa sheegay…

  • Soomaliya

    30-07-2025

  • 08:11PM