Weerar dhinaca cirka ah oo lala beegsadey ururka Al-shabaab

Image

MUQDISHU Jan 31, 2015 [GO]- Duqeynta dhinaca cirka oo la beegsadey tuulada Dugule ee ku taal gobolka Shabeelaha Hoose ayaa wararka sheegayaan in lagu diley 45 ka tirsan kooxda Al-shabaab.

Gudoomiyaha gobolka Shabeelaha hoose Cabdiqaadir Shiikh Maxamad Nuur (Siidii) oo wareysi siiyey idaacada BBC laanteeda Af-Somaliga ayaa sheegey in gantaalahaan lala beegsadey Sadex bartilmaameed.

Gantalahaan ayaa gudoomiyaha Shabeelaha hoose waxaa uu xusey in lala eegtey gurri ay daganaayeen dagaalyahniin Ajnabi ah oo ka tirsan ururka Al-shabaab halka raxan baabuur ah ee kooxdaan la socotey madfac lala beegsadey ku dhinteen 45-60 ka tirsan askartooda.

Ururka Al-shabaab ayaan ka hadlin gantaalahaan lala beegsadey xarumaha ay ka dagaanaayeen tuuladaan.

Gobolka Shabeelaha hosoe degaano ka tirsan ayaa ururka Al-shabaab weli ku dhuumaleystaan kuwaasoo ciidamada dowlada u gaysta weeraro gaadmo ah.

GAROWEONLINE + BBC

Related Articles

Cirro: Inta aan xafiiska joogo bay Somaliland aqoonsi helaysaa

Hadalka madaxweynaha ayaa imaanaya xilli ay sare u sii kacayso baaqyada lagu dalbanayo in Mareykanku aqoonsado Somaliland.

  • Soomaliya

    20-08-2025

  • 05:42AM

Somaliland oo Turkiga ku Eedeysay Faragelin

Madaxda Somaliland ayaa u arka tallaabooyinkan inay qayb ka yihiin dadaallo lagu daciifinayo maamulka.

  • Soomaliya

    19-08-2025

  • 12:20PM