Weerar ka dhacay Hiiraan oo lagu dilay xubno Al Shabaab [Dhageyso]

Image

BELEDWEYNE, Soomaaliya - Sarkaal katirsan Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya ayaa sheegay in ugu yaraan 30 katirsanaa Al Shabaab ay ku dileen Howlgal military oo ka dhacay gobolka Hiiraan.

Maxamed Nuur Cagajoof, oo ah Afhayeenka Ciidamada Militariga gobolka Hiiraan ayaa xaqiijiyay in 30 xubnood oo kamid ahaa Al Shabaab ay ku dhinteen weerar ay ku qaadeen deegaano ku yaalla inta u dhaxaysay magaalooyinka Beledweyne, Matabaan iyo Maxaas.

Afhayeenka ayaa intaasi ku daray in Ciidamada dowladda ay kala wareegeen Al Shabaab goob talis u ahayd, agab military oo hub iyo gaadiid dagaal isagu jira, iyadoo sidoo kale laga saarey deegaanadii ay ku sugnaayeen.

"Dagaalkii ugu horeeyay wuxuu ka dhacay duleedka Maxaas, kaasi oo khasaaro badan lagu gaarsiiyay Al Shabaab, oo 14 meydkooda ah laga soo qaadey oo la keenay degmada," ayuu yiri Maxamed Nuur Cagajoof.

Cagajoof ayaa xusay in dagaal kale uu ka dhacay maanta wadada isku xirta Beledweyne iyo Maxaas, kadib markii Ciidamada dowladda ay duulaan ku qaadeen Al-Shabaab-ka halkaasi ku lahaa fariisin ay kasoo abaabulaan weerarada.

Al Shabaab kama hadlin dagaalka iyo khasaaraha la sheegay inuu kasoo gaarey, mana jiraan sidoo kale illo madaxbanaan oo xaqiijinaya sheegashada afhayeenka.

Howlgalkan ayaa kusoo beegmaya xilli dhawaan dowladda Federaalka ay shaacisay inay qaadayso duulaan Al Shabaab looga saarayo guud ahaan deegaanada wali gacanteeda ku harsan.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Xasan Sheekh oo baajiyey safar uu ku tegi lahaa Ruushka xilli uu isa soo tarayo Cadaadiska Uganda

Hase yeeshee, Madaxweyne Museveni ayaa la sheegay inuu diiday codsigaas, isagoo sabab uga dhigay caqabado dhaqaale.

  • Soomaliya

    28-10-2026

  • 05:28AM

Ciidamada Midowga Afrika oo la filayo inay Banneeyaan Saddex Aag oo ku yaalla Shabeellaha Hoose

Hase yeeshee, dowladda federaalka ayaa hore u muujisay walaac ku saabsan awoodda ciidamada dalka ee ay hadda haystaan.

  • Soomaliya

    27-10-2026

  • 09:10AM