Weerar ka dhacay Jubbada Hoose iyo wararkii ugu dambeeyay

Image

KISMAAYO, Soomaaliya - Wararka laga helayo gobolka Jubbada Hoose, gaara ahaan deegaanka Hoosingow, oo dhowr Kiilo-mitir u jira magaalada Kismaayo, waxay sheegayaan ay halkaas lagu weeraray Gaari ay la socdeen dad Shacab ah.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in weerar ay ka dambeyeen Rag hubeysan oo loo malanayo inay ka tirsan yihiin kooxda Al-Shabaab, oo inta badan beegsata baabuurta Khaadka kasoo geliya dalka Xadka gobollada Jubbooyinka iyo Gedo.

Qof magaciisa kusoo koobey Cabdalla ayaa u xaqiijiyay Garowe Online in Gaariga la weeraray uu saarnaa maandooriya Khaadka, kaasi oo ka yimid magaalada Kismaayo, kuna sii jeeday Hoosingow, oo ay maamusho Jubbaland.

"Al-Shabaab ayaa gaari waday Khaad ku weerartay deegaanka, laakiin, nasiib wanaag wuu ka baxsaday," ayuu hadalkiisa kusii daray Cabdalla.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa tilmaamay in dhowr Rasaas oo Qoryaha Daran-daran dooriga u dhaca ay ku rideen Shabaab gaariga, taasi oo aan la ogeyn khasaaraha ay gaarsiiyay dadkii saarnaa.

Balse, Saraakiil ka tirsan maaamulka Jubbaland, ayaa xusay in aan jirin dad wax ku noqdo falkaan ay ku kacaan Dagaalyahanada Al-Shabaab.

Shabaab wali dhankooda wax war ah kama aysan soo saarin Gaariga la sheegay inay iyagu weerareen, laakiin ficiladda noocaan ah ayaa waxay ka yihiin meelaha ay maamusho Kooxdan kuwa joogto ah.

Deegaanada iyo Degmooyinka wali ku jira gacanta Kooxda dagaalka kala soo horjeedo dowladda Soomaaliya ee caalamku taageero ee Al-Shabaab waxaa mamnuuc ka ah ka ganacsiga iyo cunista Khaadka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxaa ka socda Xalane maanta?

Diblomaasiyiinta caalamiga ah ayaa sheegay in xalinta khilaafka siyaasadeed ay tahay arrin u taalla Soomaalida.

  • Soomaliya

    13-05-2026

  • 08:24AM

Xasan Sheekh iyo Mucaaradka oo ku ballansan Shirka ka dhacaya Xalane

Wakiillada beesha caalamka iyo diblomaasiyiin sar-sare ayaa soo dhex-galay dhinacyada si ay u fududeeyaan is-fahamka.

  • Soomaliya

    12-05-2026

  • 05:09PM