Weerar lagu qaaday Guri uu degan yahay Xildhibaan awood badan [Sawirro]

Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Ciidamada Nabad Sugida iyo Sirdoonka Soomaaliya ee [NISA] ayaa maanta oo Jimco ah weeraray Guri uu degan yahay mid kamid ah Xildhibaanada ugu awoodda badan ee Gollaha Shacabka.

Askar katirsan NISA ayaa Barqadii maanta xoog ku galay Guriga Xildhibaan Cadow Cali Gees oo ku yaalla Gudaha Dekadda Muqdisho, iyadoo Ciidamada ay barayeen muddo ku dhaw 4 saacadood.

Sawirro laga soo qaadey goobta ayaa muujinaya Alaabaha Guriga la dhigto oo kala duwan iyo qalab xafiiseed banaan ku yaalla gudaha Dekedda lagu soo daadiyay.

Shaqaalaha Guriga qaarkood oo la hadlay Warsidaha Garowe Online ayaa sheegay in ay Alaabta Guriga iyo Xafiisyo Xildhibaanka qaarkoodna bur bur loo geestay intii uu socda howlgal baaritaanka ah.

Shaqsiyaadkan oo magacyadooda ka gaabsaday sababo amni, ayaa intaasi ku daray inaysan garaninin sababta Ciidamada NISA Guriga usoo bartilmaameedsadeen, iyagoo aan wadan warqad maxkamadeed.

Cadow Cali Gees ayaa kamid ah garabkii Xildhibaanada ee la safnaa Jawaari xilli ay taagnayd khilaafkii Gollaha Shacabka, isagoo lagu tiri Xildhibaanada mucaaradka ku ah Ra'iisul Wasaare Xasan Cali Khayre.

Warar hoose oo Garowe Online uu helay ayaa sheegay in Ra'iisul Wasaare Khayre oo xiriir khadka Taleefonka ah uu la sameeyay Cadow Cali Gees, isagoo ka raali geliyay weerarka lagu qaaday Hoygiisa.

Xildhibaan Cadow Cali Gees, oo ah Ganacsade maalqabeen ah, ayaa haatan dalka ka maqan, waxaana la sheegay inuu ku sugan yahay dalka Mareykanka, mana la oga jawaabta uu ka bixin doono hwolgalka ka fuliyay Gurigiisa.

Ciidamo katirsan NISA ayaa sidan oo kale bishii December, 2017 howlgal baaritaan ah ka sameeyay Hoyga Senator Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid oo ku yaalla nawaaxiga Isgoyska Banaadir ee Muqdisho.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wada-hadalladii Xalane oo lagu kala kacay iyo Khilaaf hor leh oo ka dhashay Doorashada

Golaha Mustaqbalka ee mucaaradka ayaa ilaa hadda si cad u diiday soo-jeedinta guddiyada farsamada.

  • Soomaliya

    13-05-2026

  • 12:30PM

Shirka Xalane oo soo dhammaaday iyo Mucaaradka oo isugu tegaya Hotel Airport

Madaxdii mucaaradka ee shirka ku matalaysay dhinaca kale ayaa hadda u soo jiheystay Hotel Airport.

  • Soomaliya

    13-05-2026

  • 11:11AM