​Weerar lagu qaaday Makhaayad ku taal xeebta Liido

Image

MUQDISHU, Somalia- Qarax xooggan ayaa fiidkii ka dhacay Makhaayad lagu magacaabo Banaadir Beach oo ku taalla xeebta Liido halkaas oo ay ku sugnaayeen boqolaal kamid ah shacabka magaalada ee nasashada soo doonta.

Qaraxa kadib mallayshiyaad lagu qiyaasay 3 ruux ayaa gudaha u galay meheradda iyagoo rasaas oodda uga qaaday dadkii goobta ku sugnaa.

Khasaara kala duwan ayaa falkaasi ka dhashay, waxaana hadda la xaqiijiyay dhimashada labo Haween ah oo laga helay afaafka xarunta la weeraray.

Ururka Al Shabaab ayaa mas'uuliyadda qaraxa sheegtay kadib qoraal ay kusoo qoreen barahooda Internetka.

Ciidamada dowladda Federalka Somalia ee NISA ayaa goobta gaaray kuwaasoo ka billaabay howlgal lagu samatabixinayo dadkii halkaasi ku sugnaan, waxaana la sheegay inay soo badbaadiyeen in kabadan 20 qof.

Wararka soo gaaraya GO ayaa sheegaya inay sidoo kale gacanta kusoo dhigeen mid kamid ah dhagar qabayaashii weerarka qaaday kaasoo iminka su'aalo la weydiinayo.

Howlgalka ayaa iminka socda waxaana la xiray dhammaan waddooyinka soo gala halka dhibku ka dhacay.

Goob jooge kamid ah dadkii ka bad-baaday weerarkaasi ayaa GO u sheegay inuu goobtaasi ka dhaceen dhawr qarax midkood uu ahaan Gaari waxyaabaha qarxa laga buuxiyay halka kuwa kale ay ahaayeen bomb gacmeedyo ay tuurayeen mallayshiyada Al Shabaab.

Maaha markii ugu hooraysay ee magaalada Muqdishu weerar lagu qaado xarun ay ku caweeyaan shacabka caasumadda Somalia, waxaana hadda ka hor weerar lagu qaaday Liido Beach ku dhintay dad rayid ahaa.

Majirto ilaa hadda wax war ah oo kasoo baxay dhinaca dowladda Federalka Somalia, balse wasiirka Amniga ayaa qoraal uu soo dhigay Bartiisa Twitterka ku cambaareeyay falalka lagu gumaadayo shacabka Somaliyeed.

GAROWEONLINE

Related Articles

Hal sabab oo loo qaban waayay doorashadda gudoonka Baarlamaanka Koonfur Galbeed

Arrimahan ayaa ku soo beegmaya xilli siyaasiyiinta mucaaradka ee deegaanada Koonfur Galbeed ay si adag u gacan-seyreen natiijadii hordhaca ahayd.

  • Soomaliya

    19-05-2026

  • 12:29PM

Beesha Caalamka oo diiday doorasho hal dhinac ah oo ka dhacda Soomaaliya

Kulankan oo dhacay maalintii Isniinta ayaa waxaa fool-ka-fool uga qeyb galay qaar ka mid ah siyaasiyiinta ugu saameynta badan mucaaradka.

  • Soomaliya

    19-05-2026

  • 09:04AM