​Weerar lagu qaaday Saldhig ku yaal Lego, nabadoon la dilay

Image

LEEGO, Somalia- Koxda Al Shabaab ayaa Hoobiyaal ku weerartay Xalay Saldhiga ciidamada AMISOM ay ku leeyihiin deegaanka Leego ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Wararka ayaa sheegaya in ku dhawaad 10 Hoobiye lagu tuurey Saldhiga AMISOM ee Leego, kuwaasi oo geestay khasaarooyin isagu jiro dhimasho iyo dhaawac, inkastoo aan la ogayn tirada Khasaaraha.

AMISOM kama aysan hadlin Weerarka Al Shabaab ay sheegeen inay ku qaadeen Salhigooda Leego, kaasi oo ay deganyihiin ciidamada Burundi.

Bishii June, 2015, ayaa kooxda Al Shabaab weerar ku qaaday, kaasi oo lagu dilay Askar badan oo u dhashay Burundi.

Dhanka kale, Nabadoon caan ah ayaa lagu dilay Tuulada Buulo-Cadeey, oo ku taallo Duleedka Deegaanka Lambar-konton, ee gobolka Shabeellaha hoose waxaana dilkiisa geestay Koox hubaysan oo aan heebtooda wali la garan.

Nabadoonka oo lagu magacaabi jiray Nuur Xuseen Abuukar ayaa lagu dhex-dilay beertiisa, iyadoo kuwa dilayna ay goobta isaga baxsadeen, sida dadka deegaanka ay u xaqiijiyeen Warsidaha Garowe Online.

Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxaa ka taagan dagaallo beeleed mudo sanado ah taaganaa, kaasi oo ku salaysan maamulka Gobolkaasi, waxaana dilalka inta badan ka dhaca ay ku salaysan yihiin Aanooyin qabiil.

GAROWEONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh: Israa’iil amar la'aantay cagta masoo dhigi karta Soomaaliya

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ugu dambeyn ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay ilaashadaan midnimada iyo wadajirka.

  • Soomaliya

    04-07-2026

  • 01:15PM

Xamza: Dowladda Federaalka ma joojin doonto ciidamada ay qoranayso Puntland

Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu sidoo kale ku eedeeyay Madaxweynaha dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni.

  • Soomaliya

    04-07-2026

  • 12:13PM