Weerar lagu qaaday Saldhigga AMISOM ee Leego

Image

LEEGO, Somalia- Mallayshiyaad katirsan ururka Al Shabaab ayaa weerar loo adeegsaday hoobiyaal ku qaaday Saldhig ciidamada AMISOM ku leeyihiin deegaanka Leego ee gobolka Shabeellaha hoose.

Dadka deegaanka ayaa sheegay inay dhowr hoobiye ku dhaceen gudaha iyo daafaha fariisinkaas, waxaana xigay iska-hor-imaad dhexmaray ciidanka Midowga Africa iyo Al Shabaab.

Wararka aan helayno Leego, ayaa sheegaya in Labo qof oo shacab ah ay ku dhaawacmeen weerarka, iyadoo aan la ogeyn khasaaraha gaarey ciidanka AMISOM.

Warbaahinta Afka Al shabaab ku hadasha ayaa sheegay in ku dhawaad 6 Askari oo katirsanaa AMISOM lagu dilay duqaynta ay fuliyeen mintidiintooda.

Majirto wax war ah oo kasoo baxay mas’uuliyiinta gobolka Shabeellaha hoose.

Al Shabaab ayaa saldhiga Leego weerar ku qaadey 26-kii June, 2015 kaasi oo ay sheegeen inay ku dileen 70 Askari oo u dhashay dalka Burundi.

Weerarada Al Shabaab ayaa isu badalay ku dhufo iyo ka dhaqaaq, waxaana inta badan weeraro caynkan ah ku qaadeen fariisimo Koonfurta Somalia kuleeyihiin ciidamka nabad ilaalinta u jooga Somalia.

GAROWEONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh Oo Qaabilay Safiirka Midowga Yurub Ee Soomaaliya

Warar soo baxaya ayaa sheegay in Midowga Yurub iyo deeq-bixiyaasha kale aysan ku qanacsanayn qaabka uu Xasan Sheekh wax u wado.

  • Soomaliya

    17-05-2026

  • 08:59PM

Sheekh Shariif: "Xasan Sheekh Waxa Uu Taagan Yahay Halkii Uu Ka Bilaaban Lahaa Dhicitaankiisa"

Madaxweynihii hore ayaa caddeeyey in mucaaradku ay isticmaalayaan waddooyin sharci iyo kuwo siyaasadeed.

  • Soomaliya

    17-05-2026

  • 06:55AM