​Weerar lagu qaaday xarunta Boliiska waddooyinka Muqdishu

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHU- Qarax xooggan ayaa ka dhacay afaafka hore xarunta Boliiska waddooyinka ee magalada Muqdishu, waxaana weerarkaasi ku dhinta inta la hubo lix qof, halka dhaawa kor u dhaafay 13 ruux.

Weerarkan ayaa waxaa fuliyay ruux ismiidaamiye watay baabuur laga soo buuxiyay walxaha qarxa, wuxuuna isku qarxiyay xarunta Fiisha Taraafiko ee caasumadda Somalia.

Boliiska ayaa toogtay ruux kale oo doonayay inuu gudaha u galo xarunta la weeraray.

Saddex kamid ah dadka  dhintay ayaa la sheegay inay yihiin Boliiska halka kuwa kale ahaayeen shacab ka agdhawaa goobta.

Afhayeenka maamulka gobolka Banaadir Cabdifataax Cumar Xalane, ayaa GO u sheegay in weerarkaasi uu ahaa baabuur walxaha qarxa laga soo buuxiyay, balse wuxuu xusay inuusan falkaasi u dhicin qaabkii loogu tala galay, isagoo intaasi raacshay inay soo afmeeri doonaan weerarada kooxdan uu ugu yeeray Argagixiso.

Mallayshiyada ururka Shabaab ayaa weerarkaasi sheegtay, waxayna tilmaameen inay beegsadeen saldhigga ciidamada Taraafikada ee degmada Shangaani.

Kooxo katirsan goobaha caafimaadka iyo baabuurta dab damiska ayaa goobta gaaray, waxay gurmad ka gaysanayeen gar-gaarka dadka dhaawacmay iyo daminta holaca qaraxa.

Maaha markii ugu horraysay ee weerar lagu qaado saldhig ay leeyihiin ciidamada dowladda, waxaana magalada Muqdishu muddooyinkii noqotay goob amnigeedu faraha ka baxay.

GAROWEONLINE

Related Articles

Masar oo Bilawday Qorshe Ay Cadaadis Milatari Ku Saarayso Itoobiya

Ka dib markii uu dhacay khilaafkii u dhexeeyay Soomaaliya iyo Itoobiya ee la xiriiray heshiiskii Itoobiya la gashay Somaliland.

  • Soomaliya

    26-08-2025

  • 11:58AM

Villa Somalia oo Heshiis la gashay xubno kasoo goostay Madashii Saamatabixinta

Si kastaba, heshiiskan ayaa horseeday kala qaybsanaan muuqata oo ka dhex dhacday Madasha Samatabixinta.

  • Soomaliya

    25-08-2025

  • 12:55PM