Weerar qarax oo lala beegsaday ciidamada dalka Kenya

Image

MANDHEERA, Kenya- Labo Qarax ayaa ciidamo ka tirsan  militariga dowladda Kenya waxaa lagula eegtay inta u dhaxayso magaalooyinka Beled-Xaawo iyo Mandheera gobolka woqooyi bari ee dalkaas.

Wariya ku sugan Beled-Xaawo ayas GO u xaqiijiyay weerarka, kaasi oo loo adeegsaday Miinooyin dhulka lagu aaso.

Ciidamada qaraxaan haleeley ayaa ilaalo ka ahaa dueleedka magaalada Mandheera.

 "Qaraxyada waxay ahaayeen Labo, waxaana lagu weeraray ciidamo Kenya ah oo howlgallo amni ka samaynayay meel ku dhaw Mandheera, gaar ahaan dhanka xigta xadka Somalia, wali lama oga Khasaaraha," ayuu yiri wariyahaas .

Ma jirto cid ama koox sheegatay mas'uuliyada weerarkaas, balse gobolka woqooyi  Bari ee Kenya ayaa waxaa la degay Weeraro ay geysanayaan Al Shabaab wixii ka danbeeyay markii ay ciidamada Kenya soo galeen Somalia October, 2011.

GAROWEONLINE 

Related Articles

Beesha Caalamka oo diiday doorasho hal dhinac ah oo ka dhacda Soomaaliya

Kulankan oo dhacay maalintii Isniinta ayaa waxaa fool-ka-fool uga qeyb galay qaar ka mid ah siyaasiyiinta ugu saameynta badan mucaaradka.

  • Soomaliya

    19-05-2026

  • 09:04AM

Villa Somalia oo billowday ololaha oorashadda Gudoomiyaha cusub ee Gollaha Shacabka

Qaar kamid ah siyaasiyiinta damacsan xilalka cusub ayaa sidoo kale wajahaya caqabado gudaha beelahooda ah.

  • Soomaliya

    19-05-2026

  • 05:37AM