Weerar toos ah iyo madaafiic lagu ekeeyay Dhuusamareeb

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Dagaalameyaal la rumeysan yahay in ay ka tirsan yihiin maleyshiyadda Al-Shabaab ayaa lagu waramay in ay weerar toos ah iyo madaafiic ku ekeeyeen caasimadda Galmudug ee Dhuusamareeb.

Illo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa u sheegay Garowe Online in 13 hoobiye ay ku dhaceen qaybo kamid ah magaaladan uu shirka uga socdo hogaamiyeyaasha dowladda federaalka iyo maamuladda wadanka.

Dableyda xoogaga gacansaarka la leh shabakada Al-Qaacida iyo ciidamadda sugaya ammaanka magaaladda ayaa la sheegay in uu dhexmaray iska-hor-imaad culus daqiiqado kadib weerarka madaafiicda.

"Xaaladda haatan waa mid degan. Dagaalameyaashii Al-Shabaab ee weerarka kusoo qaadey kontaroolka laga ilaaliyo ammaanka magaaladda dib ayaa loo celiyey," ayay sheegeen saraakiisha la hadashay bogga GO.

Waa markii labaad oo todobaadkan gudahiisa ay Al-Shabaab weerar noocaan ah ka fuliso caasimadda Galmudug oo madaxweyne Farmaajo uu soo jeediyey in shirka lagu qabto xilli amni daradeeda ay aad u sareysay.

Ugu yaraan afar qof oo midkood uu yahay askari boolis ayaa ku dhaawacmay markii 4-tii bishaan Febraayo ay sidaan oo kale Al-Shabaab ku dhowaad tobban madfac ku garaaceen qaybo kamid ah magaaladda Dhuusamareeb.

Dhuusamareeb ayaa kamid ahayd magaalooyinka ugu ammaanka wanaagsan Galmudug kahor inta aan la dooran Axmed Cabdi Kaariye [Qoor-qoor] oo ku yimid rabitaanka dowladda Farmaajo oo haatan uu daacad u yahay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shimbir safar 5,000 km ah kaga soo baxay India oo 5 Maalin kusoo gaaray Soomaaliya

“Apapang wuxuu hadda sameeyay ku dhawaad 5,400 km, wuxuuna ku qaatay 5 maalmood iyo 15 saac,” ayay Sahu ku qortay.

  • Soomaliya

    21-11-2025

  • 11:19AM

Ciidamada Jubbaland iyo Danab oo Ku Dhow Inay Jamaame Kala wareegaan Al-Shabaab

Dadka deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta in qaar badan oo ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab ay dib ugu gurteen dhinaca Jilib.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 11:38AM