Wiil uu dhalay Amiirka Al Shabaab oo howlgal lagu dilay

Image

KUNTUWAREY - Wiil uu dhalay Amiirka Al Shabaab iyo Horjoogayaal ayaa lagu dilay Howlgal gaar ah oo Ciidamada Kumaandooska Dowladda Federaalka Soomaaliya ka fuliyeen gobolka Shabeellaha Hoose.

Idaacadda ku hadasha Afka Ciidamada Xoogga dalka, ayaa baahisay warar sheegaya in Howlgalka lagu dilay Xasan Axmed Diiriye, oo uu dhalay hogaamiyaha Al Shabaab Axmed Diiriye [Abu Cubeyda].

Howlgalka oo ay ka qeyb-qaateen Ciidamo Mareykanka u dhashay ayaa laga fuliyay xalay saqdii dhexe degmada Kuntuwarey, oo ay maamusho Al Shabaab, sida ay sheegtay Idaacadda Ciidamada.

Waxaa sidoo kale ku dhintay Howlgalka qorsheysan xubno gaaraya 12 iyo Hogaamiyaal kale oo ay kamid ahaayeen Yuusuf Macalin Cabdalla iyo Maxamuud Maxamed Nuur (Faruur).

Ma jirto wax war ah oo kasoo baxay dhanka Al Shabaab oo ku aadan howlgalka la sheegay inuu ka dhacay degmada Kuntuwarey iyo dilka wiilka hogaamiyaheeda, oo aan la ogeyn halka uu ku sugan yahay.

Ciidamada Kumaandooska Soomaaliya ayaa la howlgala Ciidamada Mareykanka ee tababarka siiyay kuwaasi oo saldhigyo ku leh deegaanka Balli Doogle, ee gobolka Shabeellaha Hoose.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo baajiyey safar uu ku tegi lahaa Ruushka xilli uu isa soo tarayo Cadaadiska Uganda

Hase yeeshee, Madaxweyne Museveni ayaa la sheegay inuu diiday codsigaas, isagoo sabab uga dhigay caqabado dhaqaale.

  • Soomaliya

    28-10-2026

  • 05:28AM

Ciidamada Midowga Afrika oo la filayo inay Banneeyaan Saddex Aag oo ku yaalla Shabeellaha Hoose

Hase yeeshee, dowladda federaalka ayaa hore u muujisay walaac ku saabsan awoodda ciidamada dalka ee ay hadda haystaan.

  • Soomaliya

    27-10-2026

  • 09:10AM