Wiilka  Trump oo beeniyay warar ku saabsan inuu Cirro kulan kula yeeshay Switzerland 

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Afhayeen u hadashay Eric Trump, wiilka Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump, ayaa beenisay warar sheegaya in uu kulan la yeeshay Cabdiraxmaan Cirro, Madaxweynaha Maamulka Somaliland, intii uu socday kulan casho ah oo ka dhacay magaalada Davos, Switzerland.

Kimberly Benza, afhayeenka Eric Trump, ayaa sheegtay in aanay jirin wax kulan rasmi ah ama wada-hadal siyaasadeed ama dhaqaale oo dhexmaray labada dhinac. Waxay tilmaantay in kulanku ahaa casho guud, oo Cirro uu meel u dhow istaagay oo kaliya salaamay kaddib sawir la galay Eric Trump.

“Ma jiro kulan dhexmaray Eric Trump iyo Cabdiraxmaan Cirro, mana aysan jirin wax wada-hadal ah oo ku saabsan siyaasad ama dhaqaale,” ayay tiri Benza.

Benza ayaa intaa ku dartay in Eric Trump uu ka mid ahaa marti sharaf lagu casuumay cashada bulshada Yuhuudda ah, oo ay sidoo kale ka qayb galeen madax iyo shakhsiyaad caalami ah, oo uu ku jiray Madaxweynaha Israa’iil.

Cashadan ayaa ka dhacday dhinacyada shirka sanadlaha ah ee Davos, oo ay isugu yimaadaan hoggaamiyeyaal siyaasadeed, ganacsato iyo shakhsiyaad caan ah oo ka kala yimid daafaha dunida.

Saraakiisha la socotay Cirro ayaa baahiyay wararka ku saabsan inuu kulan dhacay oo Cirro kala hadlay Eric maalgashi inuu ku sameeyo Berbera.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Midowga Yurub oo bogaadiyay ku biirista mucaaradka wada-hadalka qaran

Golaha Mustaqbalka Soomaaliya, oo ay ku mideysan yihiin hoggaamiyeyaal goboleedyo iyo masuuliyiin hore.

  • Soomaliya

    27-01-2026

  • 01:59PM

Dowladda Soomaaliya oo ku dadaalaysa soo celinta Kalsoonida deeq-bixiyeyaasha Caalamka

Si looga hortago carqalad ku timaadda gaarsiinta gargaarka, dowladda ayaa sheegtay in WFP loo qoondeeyay bakhaar cusub.

  • Soomaliya

    27-01-2026

  • 12:49PM