Xaaf oo laga mamnuucay inuu ku laabto Cadaado [Dhageyso]

Image

CADAADO, Soomaaliya - Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaalle Geelle "Xaaf" ayaa laga mamnuucay inuu dib ugu laabto magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduud.

Qaasim Maxamuud oo ka mid ah Waxgaradka Cadaado ayaa akhriyay War-Saxaafadeedka, oo qodobada ku jira ay kamid yihiin in Xaaf uusan geli karin magaalada.

War Saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in wax dhaqdhaqaaq Siyaasadeed ah aan laga sameyn karin Cadaado iyo deegaanada hoostaga, sidoo kale waxa ay sheegeen in ay iyagu ismaamulayaan inta khilaafka jira iyo tabashadooda laga xalinaayo.

Go'aankan ayaa daba socdaa bannaanbax maanta ka dhacay Cadaado, oo looga soo horjeeday heshiiska uu dhameystirkiisa ka qabsoomay Dhuusamareeb, kaasi oo lagu mideeyay Ahlu Sunna iyo Galmudug. Halkan ka akhri.

 

GAROWE ONLINE

Related Articles

Somaliland oo Turkiga ku Eedeysay Faragelin

Madaxda Somaliland ayaa u arka tallaabooyinkan inay qayb ka yihiin dadaallo lagu daciifinayo maamulka.

  • Soomaliya

    19-08-2025

  • 12:20PM

Dowladda Soomaaliya oo Abaabul Dagaal Ka Wada Shabeellaha Dhexe

Ololahan cusub ayaa qayb ka ah ballanqaadkii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ee ahaa inuu qaado.

  • Soomaliya

    19-08-2025

  • 11:31AM