Xaaf oo laga mamnuucay inuu ku laabto Cadaado [Dhageyso]

Image

CADAADO, Soomaaliya - Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaalle Geelle "Xaaf" ayaa laga mamnuucay inuu dib ugu laabto magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduud.

Qaasim Maxamuud oo ka mid ah Waxgaradka Cadaado ayaa akhriyay War-Saxaafadeedka, oo qodobada ku jira ay kamid yihiin in Xaaf uusan geli karin magaalada.

War Saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in wax dhaqdhaqaaq Siyaasadeed ah aan laga sameyn karin Cadaado iyo deegaanada hoostaga, sidoo kale waxa ay sheegeen in ay iyagu ismaamulayaan inta khilaafka jira iyo tabashadooda laga xalinaayo.

Go'aankan ayaa daba socdaa bannaanbax maanta ka dhacay Cadaado, oo looga soo horjeeday heshiiska uu dhameystirkiisa ka qabsoomay Dhuusamareeb, kaasi oo lagu mideeyay Ahlu Sunna iyo Galmudug. Halkan ka akhri.

 

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh iyo Beesha Hawadle oo heshiis ka gaaray musharraxa Madaxweynaha Hirshabeelle

Habkan awood-qaybsiga ayaa saldhig u ahaa siyaasadda Hirshabeelle tan iyo markii la dhisay dowlad-goboleedka.

  • Soomaliya

    05-08-2026

  • 08:33AM

Xasan Sheekh oo Beesha Caalamka kala hadlay khilaafka doorashooyinka Soomaaliya

Dhanka kale, mucaaradka ayaa ku baaqaya in marka hore la gaaro is-afgarad siyaasadeed oo loo dhan yahay.

  • Soomaliya

    04-08-2026

  • 11:45AM