Xaalad adag oo soo wajahdey dadka ka barakacay dagaallada Bakool

Image

March 1, 2015 (GO)- Xaalad nololeed oo adag ayaa lasoo deristey boqollaal qoys oo ka barakacay deegaano ka tirsan gobolka Bakool oo maalmihii u dambeeyey dagaallo ku dhex marayeen ciidamada dowladda oo kaashanaya kuwa AMISOM iyo Al-shabaab.

Deegaannada dadku sida weyn uga barakaceen waxaa kamid ah tuulada Yeel. Cabdifaaqid Duwane oo ah guddoomiyaha deegaanka Yeel ayaa Radio Garowe u sheegay in  baahiyaha ugu muhiimsan ee xilligan dadku qabaan kamid yihiin: biyaha, cuntada iyo weliba adeegyada caafimaadka.

Dhanka kale, Duwane wuxuu ka codsadey Dowladda Federaalka, dadka Soomaaliyeed iyo hay'addaha Samafalka inay usoo gurmadaan dadka tabaaleysan si gaar ah wuxuu codsi ugu soo direy walaalaha reer Puntland oo 

Dagaal gelinkii hore ee shalay ka dhacay deegaanka Ceelbaar ee isla gobolka Bakool oo dhex maray ciidamada huwanta iyo Al-shabaab ayaa waxaa ku geeriyoodey ugu yaraan kow iyo toban qof ku dhowaad labaatan kalena way ku dhaawacmeen.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Danjire hore oo Mareykan ah oo ka digay in si degdeg ah loo aqoonsado Somaliland

Danjiruhu wuxuu tilmaamay in Mareykanka uu haysto saddex ikhtiyaar: in uu sii hayo…

  • Soomaliya

    20-08-2025

  • 12:44PM

Cirro: Inta aan xafiiska joogo bay Somaliland aqoonsi helaysaa

Hadalka madaxweynaha ayaa imaanaya xilli ay sare u sii kacayso baaqyada lagu dalbanayo in Mareykanku aqoonsado Somaliland.

  • Soomaliya

    20-08-2025

  • 05:42AM